Amaanka Doorashada

Warbixin Keydmedia Online

Waxaa la is waydiinayaa inta ay la egtahay mas’uuliyad amniga, ee lagu wareejiyay Rooble, awoodda uu u leeyahay inuu ku xaliyo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka. Hadaba Rooble ma yahay shaqsi kasoo bixi kara mas'uuliyadda uu garabka saartay?

Amaanka Doorashada

Labo shaqo oo la oron karo waa labo xujo ayuu Farmaajo ku wareejiyay Rooble – waa amaanka iyo doorashadda, oo mid kasta ay ku xeeran yihiin caqabado badan oo sanado wax looga soo qaban waayay.

Doorashadda

Dalka wuxuu kusoo jiray marxalad dib u dhis ah, oo dowladba dowladda ka dambeysa ay ku wareejinaysay hanaan doorasho oo kii hore ka horumarsan, laga soo billaabo 2000 illaa 2017.

Nidaamkii qori isku dhiibka waxaa qalloociyay Farmaajo, oo jidka ka lumiyay doorashooyinkii afartii sano mar dalka ka dhici jiray, isagoo mudadii xafiiska uu joogay aan ka shaqeynin doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu isaga ballan-qaadey markii la doortay Feb 8, 2017.

Waqtiga wuu ku filnaa in doorasho aan 4.5 ku saleysanayn inuu qabto Farmaajo, maadaama Xasan Sh. uu sameeyay mid ka duwan tii Sheekh Shariif 2012, taasoo qaab degaan doorasho u dhacday 2016.

Inuu wadajirka iyo midnimadda ka shaqeeyo iska daayee, wuxuu Farmaajo sii kala fogeeyay intii isku dhawayd, oo dhex-dhigay kala qeybsanaan, colaad beeleedyo iyo burburinta nidaamka Federaalka.

Intaas oo dhan wuxuu u sameynayay inuu baab’iyo Federaalka kadibna afgembi ku qabsado dalka, isagoo ku fekerayay nidaamkii uu kusoo barbaaray ee Maxamed Siyaad Barre inuu dib usoo celiyay.

Markii la gaarey waqtiga doorashadda Dec 2020 iyo Feb 8, 2021 waxba faraha kuma jirin, orod iyo iskadaba wareeg ayaa la galay, waxaana lagu heshiin waayay hirgelinta heshiiskii doorashadda ee Sep 17, 2020.

Markii lagu kala tagey shirkii ugu dambeeyay Afisyooni, Farmaajo wuxuu ku dhaqaaqay qorshihiisa labaad, oo ah muddo-kordhin labo sano, oo Gollaha Shacabka kusii diyaarsadey, waana la meel-mariyay April 12.

Mucaaradku way diideen muddo-kordhinta sharci-darrada ah, waxay sameeyeen halgan hirgeliyay oo looga hortagay afgembigii Farmaajo iyo Mursal sameeyeen, oo laga dhigay mid dhicisoobey oo fashil ah.

Inkastoo la ogyahay inuusan ka madax-banaaneyn Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, Rooble wuxuu isku dayayaa inuu qanciyo dhinacyada tabashadda qaba marka la isagu yimaado shirka 20-ka bishan dhacaya.

Laakiin macluumaad ay Keydmedia Online halayso ayaa sheegaya in Rooble uusan qancin mucaaradka, Shirka uu iclaamiyana todobaadkaan uu dib u dhici doono, maadaama uusan ku guuleysan balanqaadkii Amniga.

Dhanka kale, arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla Rooble waxaa kamid ah xalinta shuruudihii sababay burburka wadahadalladii hore, oo ay keeneen Axmed Madoobe iyo Deni, kuwaasoo ugu horeyso arinta Gedo.

Rooble miyuu fulin doonaa dalabka Axmed Madoobe, maka soo saari doonaa Ciidanka DF gobolka Gedo, maku wareejin doonaan maamulka gobolka iyo midka doorashadda Garbahaarey Jubbaland, Mareexaan miyuu hoos-geyn doonaan Ogaadeen? waa su’aallaha la iska waydiinayo shirka 20-ka May.

Amniga

Mas’uuliyadda amniga qaranka iyo Mas’uuliyadda amniga doorashooyinka, waa labo kala duwan, oo wax badan la isku qaldayo, balse mucaaradka dalbaday in labaduba si buuxda loogu gacan-geliyo Rooble.

Dad aad ugu dhaw xafiiska Madaxweynaha ayaa KON u sheegay in Farmaajo dareemayo nafis, kadib markii uu ku leexiyay Rooble mowjadihii ugu imaanayay mucaaradka, ee la xiriira doorashooyinka dalka.

Wuxuu Farmaajo ku faraxsan yahay inuu wali gacanta ugu jiro Ciidanka xoogga iyo amniga qaranka, oo taliskooda wareejin, iyadoo Rooble ku wareejiyay oo mas’uuliyada amaanka goobaha doorashooyinka.

Waxaa jiray isku-dayo Mucaaradka iyo qaar kamida Madaxda Maamullada sameeyeen oo ah inuu Farmaajo saxiixo warqad uu taliska Ciidanka qaranka ugu wareejinayo Rooble, taasoo u muuqata inay hirgeli waysay, waxaana ka taagan dood dastuuri ah, oo ku saabsan in Madaxweynaha hadii waqtigiisu dhamaadey uu amniga qaranka ku wareejin karo oo kaliya Madaxweyne kale oo lasoo doortay.

Inta badan taliska Ciidanka Militeriga dalka waxaa haya rag ay qaraabo yihiin Farmaajo iyo kuwa yar oo isaga daacad u ah, waxaana jira askar badan oo Fahad Yaasiin tababar ugu diray Eritrea oo kusoo laabanaya Muqdisho, kuwaasoo ku biiraya Ciidanka uu Farmaajo u adeegasado danihiisa siyaasadeed.

Amniga caqabad wayn ayaa ka taagan, kala qeybsanaan Ciidanka soo kala dhexgashay, deeq-bixiyaashii oo dhaqaalaha ka jirtay iyo Al-Shabaab oo soo xoogeysanaysa, iyadoo ka faa’idaysanaysa xaaladda jirta.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.