Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Maalmihii Todobaadkii na dhaafay waxaa la diiwaangeliyay dhacdooyin siyaasadeed iyo kuwa amni oo ka dhacay guuda ahaan dalka Soomaaliya, si aad u heshid macluumaadkii ku dhaafay, kala soco Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

20 September 2021: Dadaallo ay wadeen Qoorqoor iyo dhiggiisa Lafta-gareen oo lagu doonayay in lagu xaliyo is-maandhaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa soo dhammaaday natiijo la’aan. [Halkan kasii akhri].

Mahdi Guuleed ayaa ku dhawaaqay waqtiga ICJ shaacinayso go'aankeeda kiiska muranka badda, iyadoo Kenya ay wacad ku martay inay qaadici doonto xukunka. [Halkan kasii akhri].

21 September 2021: Muran iyo is-jiid-jiid dheer kadib, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa soo saarey Liiska Musharixiinta kuraasta Somaliland ee Aqalka Sare, waxayna ku wareejiyeen RW Rooble, oo mas'uul ka ah doorashadda. [Halkan kasii akhri].

Fahad Yaasiin, oo ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil, ayaa Muqdisho kusoo laabtay, isagoo ku yimid diyaarad gaar ah, oo kasoo qaaadey dalka Turkiga oo hooyadiisa oo xanuunsan ay joogto. [Halkan kasii akhri].

22 September 2021: Somaliland ayaa walaac ka muujisay doorashadda ka dhacaysa Muqdisho, ee lagu soo xulayo kuraasta gobollada Waqooyi ee Aqalka Sare. [Halkan kasii akhri].

RW Rooble ayaa kahor yimid shuruudaha Farmaajo, ee xal ka gaarista khilaafka ka taagan dalka, kaasoo xukuntiisu tahay cadaalad u helida Ikraan Tahliil. [Halkan kasii akhri].

23 September 2021: Beeralayda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa hubka u qaatay inay la dagaalamaan AMISOM kadib markii ay si arxan darro ag ugu dileen duleedka Golweyn bishii lasoo dhaafay 7 qof oo shacab ahaa. [Halkan kasii akhri].

Labo ajaaniib ah, oo u kala dhalatay Malaysia iyo UK oo u dagaalamayay Al-Shabaab ayaa xukun lagu riday, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in raggan ay khatar halis ah ku ahaayeen amaanka dalka. [Halkan kasii akhri].

24 September 2021: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa khudbad horay loo duubay ka jeedinaayay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo ka socda magaalada New York ee cariga Mareykanka. [Halkan kasii akhri].

Madaxtooyadda Galmudug ayaa weerar afka ah ku qaadey Farmaajo kadib markii ay fashilantay waan-waantii uu Qoor-Qoor hormuudka u ahaa ee ka socday Villa Somalia. [Halkan kasii akhri].

25 September 2021: Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay afaafka Madaxtooyadda Villa Somalia, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo ay ku jirtay hooyo iyo carruurteeda. [Halkan kasii akhri].

Kenya ayaa sheegtay inay gaashaanka u daruuri doonto go'aanka laga sugayo 12-ka Oct 2021 Maxkamadda ICJ ee ku aadan kiiska muranka Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. [Halkan kasii akhri].

26 September 2021: Waxaa dalka kusoo batay qaraxyada bishan, iyadoo 20-kii maalin ee lasoo dhaafay ay dhaaceen 20 qarax, oo kuwii ugu dambeeyay oo ay ahaayeen is-miidaamin. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.