Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Musharixiinta go'aankooda wuxuu todobaadkan joojiyay doorashadii socotay ee Aqalka Hoose, wuxuu dalka galay marxalad hubanti la'aan ah iyo xaalad dagaal, kala soco macluumaad intaas ka badan, Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

December 5, 2021: Kursiga baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyay Maxamed Sheekh Cismaan Jawari, ayaa galay is-jiid-jiid kadib markii Lafta-Gareen uu ku fariisayay mid kamid ah Wasiiradiisa, iyadoo boobka dhacay uu keenay in Gudiga uu gebi ahaan laalo doorashadda. [Halkan kasii akhri].

December 6, 2021: Farmaajo ayaa qaaday tallaabooyin dalka Soomaaliya geliyay xaalad jahwareer ah, oo qarka u saartay inay burburaan guulihii laga gaarey geediga dib u dhiska dowladnimada. [Halkan kasii akhri].

December 7, 2021: Soomaaliya ayaa mar kale kaalinta koowaad ka gashay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, iyadoo Maamulka Farmaajo lunsadey lacagtii ugu badnayd afartii sano ee lasoo dhaafey. [Halkan kasii akhri].

December 8, 2021: Dowladdaha imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa xilligan ku jira loolan ku aaddan sidii ay saaxiib rasmi ah ula noqon lahaayeen Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. [Halkan kasii akhri].

December 9, 2021: James Swan ayaa sheegay in musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya, ee wax laga qaban la'yahay uu caqabad weyn ku noqdey dowlad-dhiska iyo soo celinta nabadda iyo kala dambeynta. [Halkan kasii akhri].

December 10, 2021: Keydmedia ayaa heshay macluumaad hoose oo ku saabsan ujeedka Turkiga uu diyaaradaha drones-ka u keenay Muqdisho xili Soomaaliya ku jirto jahwareer ka dhashay doorashadda uu Farmaajo boobayo. [Halkan kasii akhri].

December 11, 2021: Madaama aysan ahayn howl uu aqoon iyo khibrad u leeyahay, Fahad Yasin ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dib ugu wareejiyay shaqadii la-talinta amniga qaranka, waxaana arinta lagu tilmaamay mid muujinaysa sida Farmaajo xilalka ugu dhiibo dad aan ehel u ahayn. [Halkan kasii akhri].

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa weerar afka ah ku qaadey Farmaajo, oo eedo badan loo jeedinayo maamulkiisa, isagoo sheegay inuu lumiyay kalsoonidii yareyd ee ku hartay shacabka. [Halkan kasii akhri].

Qarax Xildhibaanno ay ku dhaawacmeen ayaa ka dhacay Jowhar, oo mudooyinkii dambe noqotay meel hoy u ah weerarada Al-Shabaab ku beegsanayso mas'uuliyiinta Maamulka HirShabeelle. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.