Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Safarkii Rooble ee Imaaraadka iyo damiciisa ayaa abuurey hadal-heyn, iyadoo doorashooyinka socda ay maalmihii lasoo dhaafey lagu arkayay waxyaabo ku cusub siyaasadda dalka, kala soco Macluumaadkii ku dhaafey Warbixinta Todobaadka ee Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

31 January 2022: Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ku loolamaya Canshuurta Suuqa ugu weyn Soomaaliya, ee Bakaaraha, oo dowladda FS dhankeeda ka canshuurta. [Halkan kala soco].

Guudlaawe ayaa kuraasta Aqalka hoose ee doorashadooda ku daah-furay boob, isagoo lumiyay amaantii uu ku helay hannaankii u maamulay doorashadii Aqalka sare. [Halkan kala soco]

1 February 2022: Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Haramcad, ayaa lagu xiray Caasimadda Itoobiya, ee Addis Ababa, iyadoo laga shakiyay ujeedka socdaalkiisa. [Halkan kala soco]

Si ay u hesho aqoonsi, Somaliland ayaa qiimo kasta bixinaysa, iyadoo u balan-qaadey Mareykanka saldhig Ciidan iyo Dekad, waxayna horey Itoobiya u siiyay Saylac. [Halkan kala soco].

2 February 2022: Rooble ayaa sidii uu filiyay si ka duwan kala kulmay booqashadiisii Imaaraadka, iyadoo Dhaxalsugaha wadahadalkii uu la qaatey ahaa mid hooseeya. [Halkan kala soco]

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa MW hore Farmaajo ku eedeeyay inuu soo koobiyeeyey farsamooyinkii Al-Shabaab, balse uusan ku gaarin u jeedkii uu ka laha. [Halkan kala soco]

3 February 2022: Saraakiisha iyo Askarta NISA ayaa sanadkan aad u galay Baarlamaanka cusub, iyagoo Xildhibaano noqonaya xili uu Fahad Yaasiin wado qorshooyin. [Halkan kala soco].

Maxkamad ku taalla Somaliland ayaa go'aamisay in xabsiga laga sii daayo Cabdimaalik Coldoon oo sanadkii hore loo xiray inuu qorey warbixin dadka ka careysiiyay. [Halkan kala soco]

4 February 2022: Qarax dad musaafur ahaa ku dhinteen ayaa ka dhacay duleedka Kismaayo, oo ah meelaha ugu badan ee Al-Shabaab kasoo abaabusho weerarada. [Halkan kala soco]

Dowladda FS ayaa u daabushay degmada Baraawe Ciidan ay ugu tala-gashay in lagu boobo doorashadda 13 kursi oo halkaasi lagu qabanayo maalmaha soo socda. [Halkan kala soco].

5 February 2022: Sirdoonka dalalka deriska, sida Kenya iyo Itoobiya ayaa diiday inay la shaqeeyaan Fahad Yaasiin mudadii 3da sano ee uu agaasimaha ka ahaa NISA [




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.