Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Xaaladda dalka meel adag ayay maraysaa, oo kala guur siyaasadeed, waxaana isha lagu wada hayaa Rooble, uga bogo Macluumaadkan iyo kuwa kale warbixinta dhacdooyinka Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

13 June 2021: Dowladda Farmaajo ayaa ka dalbatay Kenya inay si degdeg ah dib ugu furto duulimaadka diyaaradaha oo markii hore dhibaato badan lagu qabay wareegga Itoobiya. [Halkan kasii akhri]. 

Afhayeen u hadlay Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen askarta ilaalada Garoonka diyaaradaha gabdho badan iyo wiilal la loo wadey dal shisheeye, iyadoo aan la ogeyn sababta . [Halkan kasii akhri].

14 June 2021: Kooxdii dalka ku heysay kadeedka karaaraha dhaafay, afartii sano ee la soo dhaafay waxa ay doonayaan in ay gabaad ka dhigtaan qodobka 70aad ee dastuurka Dowladda Fadaraalka, iyaga oo ka mid noqonaya Baarlamanka soo socda. [Halkan kasii akhri]

15 June 2021: Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor ayaa lagu eedeeyay inuu dayacay mas'uuliyadda shacabkiisa u doorteen, isagoo noqday nin u adeega Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. [Halkan kasii akhri].

Dhaqaale xumo ayaa soo wajahday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya xili hantdia dadweynaha uu Farmaajo u adeegsanayo hantida dadweynaha ololihiisa doorashadda. [Halkan kasii akhri]

Qof nafti hallige ah oo isku soo xiray walxaha qarxa ayaa, isku miidaamiyay xerada tababarrada ee Gen Dhaga-badan, oo hore loogu aqoon jiray Xero-Nacnac. [Halkna kasii akhriso].

16 June 2021: Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliye iyo Kenya, ayaa ku yeeshay dalka Turkiga kulan gaar ah, oo ay uga wadahadleen soo celinta ciriirka labada dal oo hadda soo hagaagaya. [Halkan kasii akhri]. 

Erdogan ayaa diiday dalab ay u gudbisa Villa Somalia oo ku aadan inuu la kulmo Farmaajo marka uu dhamaado Shirka Antalya Diblomacy Forum oo la qabtay 18-19-ka bishan. [Halkan kasii akhri].

17 June 2021: Nabadoon Xaaf ayaa sheegay inuu kaalin ka qaatay dhalinyaradii loo diray Eritrea, kuwaasoo illaa hadda la la'yahay, iyadoo la sheegay inay ka dagalaameen gobolka Tigray. [Halkan kasii akhri]

Al-Shabaab ayaa dhibaato joogto ah ku haysa dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool duleedka degmada Diinsoor, ee gobolka Baay, iyadoo Kooxda ay dishay dhowr qof oo dadka degaanka. [Kalkan kasii akhri].

18 June 2021: Kenya ayaa cagta saartay wadadii ay Ciidankeeda ugala bixi lahayd dalka Soomaaliya oo ay ka dagaalamayeen gobolka Jubada Hoose iyo Gedo, iyagoo qeyb ka ah AMISOM. [Halkan kasii akhri].

Sarkala sare oo katirsan Ciidankii kahor tagay afgembigii Farmaajo la damacsanaa dalka kadib markii qarax lagula eegtay saldhig uu ku sugnaa oo ku yaalla degaanka Biyo-Cadde, ee gobolka Shabeellaha Dhexe. [Halkan kasii akhri]. 

19 June 2021: Safiirka Kenya ee u fadhiya Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho kadib markii labada dal ay sheegeen inay soo celiyeen xiriirkooda, islamarkaana ay wadahadal ka gali doonaan arrimaha taagan.[Halkan kasii akhri].

RW Rooble ayaa ku dhawaaqay xubnaha Gudiyadda doorashadda dalka, kuwaasoo ay ku jiraan 33 xubnooda oo NISA katirsan, kuwaasoo Fahad Yaasiin wato, waxaana mucaaradka ka digayaan inay DF doorashada ku qabato hanaanka aan la isku raacnayn. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.