Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey, waxaa Soomaaliya ka dhacay falal amni darro oo aad u badan, iyadoo siyaasadduna ahayd mid isha lagu wada hayo xafiiska RW Rooble oo ka socdaan howlaha doorashooyinka, kala soco Macluumaad badan warbixnta Todobaad-ka Keydmedia Online. 

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

20 June 2021: Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa kala saxiixday heshiis ay labada dal ku kala badalanayaan mid ka mid ah kheyraadka ugu fiican ee Soomaaliya leedahay (Kalluunka) iyo Sunta Itoobiya (Qaadka). [Halkan kasii akhri].

RW Rooble ayaa ku dhawaaqay gudiga amniga doorashooyinka, kuwaasoo uu ku jiro taliyaha booliska AMISOM, oo qeyb lixaad leh ka qaadanaya sugida amaanka goobaha codbixinta. [Halkan kasii akhri].

21 June 2021: Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Rooble, ayaa qorsheeyay in doorashooyinka dalka la soo gabagabeeyo ka hor dhamaadka sanadkaan, sida ay muujinayan xogo hordhac ah oo ay heshay Keydmedia Online. [Halkan kasii akhri].

Maxkamadda Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa dil toogasho ku xukuntay mid kamida eedeysane xukun hore loogu riday oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. [Halkan kasii akhri]. 

22 June 2021: Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fadaralka Soomaaliya, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay sharciyo iyo dhisidda hay’ado sharci darro ah oo Farmaajo saxiixay iyaga oo aan soo marin Aqalka Sare, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Cabdi Xaashi Cabdullaahi. [Halkan kasii akhri]. 

Kooxda fadhisa Madaxtooyadda Villa Somalia oo ay hogaaminayaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ayaa lagu eedeeyay inay la soo baxeen hab-dhaqan lamid ah midka maafiyada. [Halkan kasii akhri]

23 June 2021: Dowladda Turkiga oo 2017 saldhiga ugu wayn ee Militeri caalamka ku leedahay ka furatay Muqdisho, ayaa hadda wadahadallo kula jira seddex dal oo aan la wada carrabaabin kuwaas oo uu ka doonayo inay ka taageeraan hirgalinta saldhig hawada sare ah oo ay ka yegleelaan Soomaaliya. [Halkan kasii akhri].

Shacabka ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya ayaa ka cabanaya dayacaadda uu Maamulka Goboolka Banaadir, ku hayo Magaalada Muqdisho, oo wadooyinkeeda biyo-fariisad noqdeen, iyadoo canshuur badan laga qaado dadka dhibaatadan lagu fiirsanayo. [Halkan kasii akhri]. 

24 June 2021: Waalidiinta Soomaaliyeed, ee caruurtooda loo qaaday dalka Eritrea, kadibna la sheegay in laga dagaal galay waqooyiga Itoobiya, ayaa maanta loo diiday in ay cabashadooda ku soo bandhigaan waddooyinka magaalada Muqdisho. [Halkan kasii akhri]. 

Madax sare oo ka socota Itoobiya ayaa ka qeybgalay Xaflad lagu daah-furayay dhameystirka wajiga 1aad ee Dekedda Berbera, oo DP World ay ballaarin iyo casriyey ku sameynayso, iyadoo heshiis kula jirta Somaliland. [Halkan ka akhri]. 

25 June 2021: In ka badan 300 oo dhalinyaro Kenyan ah oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay Soomaaliya si ay tababar ciidan uga helaan kooxda Al-Shabaab, ayaa lagu guuleysaty in dib loogu celsho dalkooda, kadib dadaallo ay hormuud u ahaayeen Urur-rada Bulshada. [Halkan kasii akhri].

26 June 2021: Soomaaliya ayaa laga xusay sanad-guuradii 61aad ee kasoo wareegatay markii ay xornimada qaateen gobollada waqooyi, 26-kii June, 1960-kii. [Halkan kasii akhri].

Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan, taliyaha Ciidanka Daraawiishta iyo gudoomiyaha gobolka Bari ayaa ka badbaadey qarax miino oo lagula eegtay meel 20-KM u jirta degmada Qandalla. [Halkan kasii akhri].

27 June 2021: Madaxda Maamullada iyo RW Rooble ayaa kulan Maanta ku leh magaaladda Muqdisho, kaasoo dib u eegis loogu sameynayo waxyaabihii ka qabsoomay iyo caqabadaha ka taagan heshiiskii May 27 ee doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.