Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey waxaa dhacay isbedello diblomaasi iyo falal amni darro, oo uu ku jiro qaraxii saldhigga Waaberi oo Saraakiil lagu laayay, kala soco Macluumaad badan Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

9 May 2021: Qarax Is-miidaamin ah ayaa ka dhacay xili Saldhigga degmada Waaberi, iyadoo lagu dilay taliyihii booliska Baashane, ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadda,, waxaana ku dhaawacmay dad kaloo badan.

10 May 2021: Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, ayaa warqad ay u dirtay Midowga Afrika, waxay ku diiday in John Mahama uu dhex-dhexaadiyo khilaafka arrimaha doorashadda, iyadoo ku eedeysay mas'uulkan horey usoo noqday Madaxweynaha Ghana inuu gacansaar la leeyahay Uhuru Kenyatta, oo Farmaajo khilaaf kala dhaxeeya.

11 May 2021: Farmaajo ayaa ka qeybgalay caleema-saarka Madaxweynaha Uganda Museveni, kaasoo Soomaaliya usoo diray Ciidan 2007, si ay u caawiyaan dowladda Sooomaaliya.

Dhacdo kale: Dowladda ayaa sheegtay inay aad uga naxday go'aanka Kenya ay ku xoojisay duulimaadka tooska ee Qaadka maadaama xiriirka labada dal lasoo celiyay.

12 May 2021: Guddi heer wasiirro ah oo loo saaray xal u helidda fatahaadaha uu wado Wabiga Shabeelle ayaa soo saaray war saxaafadeed ay eed kulul ugu jeediyeen Wasiiroada Qorsheynta iyo Maaliyadda, ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya.

13 May 2021: Waxay ahayd Maalinta ciida, iyadoo amniga caqabad ku ah isdhex-galka bulshadda iyo Madaxdooda, khatarta Kooxda Al-Shabaab ayaa cidwalba saameysay dalka Soomaaliya.

14 May 2021: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gaarey dalka Jabuuti si uu uga qeyb galo caleema-saarka Madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle.

Dhaco 2: Rooble ayaa Djibouti kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana la ogeyn in kulunka uga hadleen arrimaha siyaasadda.

15 May 2021: MIsmaaciil Cumar Geelle ayaa markii 5aad loo caleem-saarey markii 5aad inuu noqdo Madaxweynaha Jabuuti, xilkaasooo uu soo hayay tan iyo 1999.

DF ayaa lagu eedeeyay inay qarinayso dhimashadda wiilal badan oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray, Keydmedia Online ayaa warbixin ka qortay. Taliye-xigeenkii Booliska gobolka Banaadir ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaarey qarax lagu qaadey dhismaha

15-ka bishan oo kale waxaa la xusaa oo la xasuutaa dhlinyaraddii SYL, oo dalka u horseeday gobonimadda, iyadoo Farmaajo uu ubaxyo dhigay taallada SYL ee Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.