Maxay tahay Shaqada Howlgalka ATMIS ee bedalay AMISOM?

Shaqada ugu weyn ATMIS qabanayso, ayaa ah inay u diyaariso Ciidanka Soomaaliya inay mas’uuliyadda amniga dalka la wareegaan mudo labo sano gudahooda, iyadoo howlgalka ku eg yahay sanadka 2024.

Warbixin Keydmedia Online
Maxay tahay Shaqada Howlgalka ATMIS ee bedalay AMISOM?

MUQDISHO, Soomaaliya - 31-ka March 2022, waxaa meesha ka baxay magacii AMISOM 15 sano kadib, waxaana bedelay ATMIS, howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Gollaha Amniga ayaa Khamiistii ansixiyay howlgalka ATMIS, kaasoo ka duwan midkii AMISOM, marka la eego dhinaca dagaalka Al-Shabaab. Ciidanka waa kuwii hore oo koofiyadda iyo magaca laga bedelay.

Shaqada ugu weyn ATMIS qabanayso, ayaa ah inay u diyaariso Ciidanka Soomaaliya inay mas’uuliyadda amniga dalka la wareegaan mudo labo sano gudahooda, iyadoo howlgalka ku eg yahay sanadka 2024.

Qaraarka Gollaha Amniga ee lagu meel-mariyay ATMIS 2628 (2022), ayaa sheegaya in wajiga cusub ee howlgalka uu diiradda saari doono xasilinta iyo gacanta ku heynta guulihii AMISOM iyo dulinta howlgalka qorsheysan o oleh bartilmaameed cayiman, oo lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab.

ATMIS ayaa ka koobnaan doonta 19,626 askari, oo kuwii hore ee AMISOM laga soo xulayo, kuwaasoo ay ku jiraan ugu yaraan 1,40 askari oo boolis ah, iyadoo inta u dhaxaysa Jan-March 2023 la yareyn doono tirada.

Doorka DF ee ATMIS

Maadaama howlgalkii hore ee AMISOM uu si toos ah u hoostagayay Midowga Afrika, hadda ATMIS waxaa go’aankiisa wax ku leh dowladda Soomaaliya, oo la hoos geeyay, inkastoo dusha lagala maamulayo.

Askar kale oo dalal ka baxsan kuwii hore ka socda ayaa hadii loo baahdo la keeni karaa dalka, waxaana magacaabista taliyeyaasha ATMIS go’aankooda qeyb weyn ku lahaan doonto dowladda Soomaaliya.

ATMIS kaliya sidii AMISOM xoogga ma saari doonto, waxay sameyn doontaa howlgal xasilin ah iyo inay diyaarsio Ciidan qaran oo leh awood uu kala wareego amniga degaanadii horey looga saarey Al-Shabaab.

Sidoo kale, dhismaha hay’adaha dowladda ayuu ATMIS ka shaqeyn doonaa, waxaana dhaqaalaha qeybta ugu weyn bixinaya Midowga Yurub, ooh ore gacanta ugu hayay AMISOM 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Howlgalkii AMISOM iyo midka cusub ee ATMIS waxaa ka faa’dey Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi iyo Djibouti, oo askartooda dhaqaale badan ka sameeyay Soomaaliya, iyadoo mid kasta la siinayay $1,228 bishii halka askariga Soomaaliga ah loo waayay $200.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.