Hab-dhaqanka Maafiyada ee Farmaajo

Sun, Soor ku bedello

Heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, ay isku dhaafsanayaan mid ka mid ah kheyraadka ugu fiican ee Soomaaliya leedahay (Kalluunka) iyo Sunta Itoobiya (Qaadka), ayaa ah mid qar iska tuurnimo ah, oo lamid ah qaab dhaqanka maafiyadda. 

Warbixin Keydmedia Online
Sun, Soor ku bedello

MUQDISHO, Soomaaliya - Faysal Rooble oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha siyasadda iyo dhaqaalaha, ayaa Madaxda Dowladda Fadaraalka ku eedeeyasay in ay la soo baxeen hab-dhaqanka kooxaha ka gancsada daroogada loo yaqaan 'Cocaine' ee maafiyada ah, kadib markii ay saxiiyeen in Kalluunka dabiicga ah uu dalku ku badesho, maandooriyaha Qaadka.

“Waxay u dhoofinayaan cuntada ugu nafaqada badan (Kalluunka dabiiciga ah) waxaana loogu badalayaa daroogo! ka fikir haddii Mareykanku dhoofiyo sarreenka loona soo raro daroogada loo yaqaan 'Cocaine'. Kaliya maafiyada ayaa sidaas samayn lahayd!, hayeeshee Villa Somalia ayaa sameysay”.

Dhawaan ayay ahayd markii daaha laga qaaday, in Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis labada dal ku kala badalanayaan Qaadka iyo Kalluunka, kaas oo dhaliyay hadal heyn badan.

Qaadka ayaa loo tixgaliyaa mid ka mid ah Saddexda arrin ee dalku ka dagi la’yahy, hayeeshee Maamulka Farmaajo ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay taariikhda ee Sun ku badasha Sixin.

Sida aan wada ognahay cunista qaadka waxaa laga dhaxlaa ama lagala kulmaa xanuuno farabadan kuwaasoo ku dhaca inta badan dadka cuna Qaadka, Dhaqaatiir farabadan oo aan wax ka weydiinay cunista Qaadka dhibaatooyinka ay u keenaan qofka xaaladdiisa caafimaad ayey noo sheegeen in qaadku uu qalajiyo qabsinada dadka sida saa'idka ah u cunana xanuunkaasi wuu ku soo dag dagaa, waxaa kalee oo uu leeyahay cunistiisu hurdo la'aan.

Qaadka ayaa sidoo kale ah darooge, waxeyna qubaraada caafimaadka sheegaan in uu jiro xiriir ka dhexeeya cunista qaadka iyo kansarka afka.

Madaxda Dowladda Fadaraalka, waxa ay is ka indha tireen wax-yeellada taban ee Qaadku ku leeyahay deganaanshaha dalka, degaanka, caafimaadka dadka iyo inuu guud ahaan yahay shay xaaraan ah diin ahaan, maadaama uu ka mid ah walxaha maanka dooriya.

Sun ku badalo Kheyraadka dalka

Sida ay hore u baahisay Keydmedia Online, Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa maalintii Axadda lagu kala saxiixday heshiiska ay labada dal isku dhaafsanayaan kheyraadka Soomaaliya iyo Sunta Cagaaran ee Itoobiya.

Aqoonyahanka, oo ay la yaab ku noqotay, jidkaan cusub ee Dowladda Farmaajo u jeexday ganacsiga qaadka ayaa ku sifeeyay saddex qodob, kuwaas oo kala ah;

  1. Sun,  Soor ku bedelasho.
  2. Xaaraan, Xalaal  ku bedelasho.
  3. Karaahiyo, keeydkaa ku bedelasho.

“Dhinaca Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, Sababta la isagu bedesho iyo danta laga leeyahay waan fahmi karaa, laakin, dhinaca bulsho, danta ku jirto ma fahmin”. Ayuu yiri aqoonyahan Yahya Amir.

Dowladda uu waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa ganacsiga Qaadka u leexisay dalka Itoobiya, waxaana lagu naas-nuujiyay dad gaar ah oo uu ka mid yahay Xasan Cabdullahi Farmaajo, oo la dhashay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday.

Keydmedia Online ayaa dhawaan soo bandhigi doonta barnaamij ay ka diyaarisay Ganacsiga Qaadka.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.