KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii Afaraad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii labaad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Qof kasta kursiga waa uu jecel yahay, hadii mudo-korarsi la iska ogolaan lahaa, waxaa joogi lahaa dhamaad madaxdii hore, laga soo billaabo C/llaahi Yuusuf, ayuu yiri Sheekh Shariif.
Shirkaan ayaa ah mid ay Beelaha kaga tashanayaan masiirkooda siyaasadeed, waxaana la filayaa in war-murtiyeed laga soo saari doono.
Shirkan oo isha lagu wada hayay ayaa mudo labo jeer ah dib u dhacay qabashadiisa, sababo la xiriira cilado farsamo iyo khilaaf u dhaxeeyay hogaanka dhaqanka iyo qaar kamida siyaasiyiinta Mudullood.