Keydmedia Online Topic page

Maxamed Xuseen Rooble

​Injineer Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqonaya Ra’isul Wasaarihii 20-aad ee Soomaaliya. Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sida ku xusan Cv-giisa uu darajadda koowaad ee Jaamacadda uu ka heystaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Shahaadadda heerka Master-ka ayuu ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, wuxuuna uga qalanjabiyay culuunta Environmental Engineering and Sustainabale Infrastructure.

Maxamed Rooble ayaa ku cusub siyaasadda, wuxuuna muddo dheer (14 sanno) lasoo shaqeynaayay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hey’adda Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization) ILO.

Warar Keydmedia Online | 19 November 2020

Waxaa ka muuqda hadalka Cawad inuu jiro khilaaf isaga iyo Rooble u shaqeeya, maadaama Farmaajo u mahadceliyay.

Warar Keydmedia Online | 16 November 2020

Wasaaradaha dowladda ayaa u dhisan magac ahaan, laakiin aan qaban shaqooyinkii loo abuuray, waxaase ugu daran mida garsoorka dalka.

Warar Keydmedia Online | 15 November 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay soo farageliso khilaafka ku saabsan magacaabista guddiga doorashooyinka wakiillada Somaliland.

Warar Keydmedia Online | 9 November 2020

Farmaajo ayaa doonaya markale in la doorto, iyadoo afartii sano ee uu kursiga ku fadhiyay uu dalka geliyay nidaam kaligii talisnimo ku dhisan iyo jahwareer siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online | 7 November 2020

Gudiga oo ka kooban 11 xubin, ayaa magacaabistiisa waxay imaanaysaa xili uu jiray khilaaf u dhaxeeya gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyo Farmaajo oo ku muransanaa cida soo magacaabaysa.

Warar Keydmedia Online | 5 November 2020

Waxaa ku wehliyay booqashadda Safiirka Turkiga iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, iyadoo xarunta ay diyaar ku ahaayeen boqolaal askari oo tababaro u socda.

Warar Keydmedia Online | 5 November 2020

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay xil weyn iska saarayso sidii loo horumarin lahaa garoonka, maadaama Soomaaliya ay soo kabanayso, duulimaadyaduna maalin walba ka sii kordhayaan intii hore.

Warar Keydmedia Online | 31 October 2020

Rooble ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu booqday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida.

Warar Keydmedia Online | 29 October 2020

Xukuumadda cusub ayaa u muuqata inay waqtiga ku luminayso waxyaabo aan loo baahnayn, iyadoo ka gaabinaysa shaqadda ugu wayn ee hortaalla, taasoo ah qabashadda doorasho.

Warar Keydmedia Online | 26 October 2020

Tan iyo markii Rooble xafiiska yimid todobaadyo kahor, waxay dowladda billowday furista wadooyiinkii xirnaa, iyadoo la dareemay nafis dhanka isku socodka oo horey ciriiri uga jiray.

Warar Keydmedia Online | 26 October 2020

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga hadlay waxaa kamid ah doorashooyinka, maadaama lagu jiro waqti xasaasi ah, iyadoo aan la sameynin wali diyaargarow wanaagsan.

Warar Keydmedia Online | 26 October 2020

DF ayaa furtay wadooyin halbowle u ah isku socodka bulshadda, oo ay kamid tahay mida isku xirta KM4 iyo Tarabuunka oo u xirnayd Safaaradda Qatar mudo sanado ah.