Keydmedia Online is under expansion!
Gudiga ayaa kala qeybsan, waxaana doorashadda dhacday ka maqnaa garabka Cabdi Xaashi oo afar xubin ka kooban.
Wuxuu u tartamayaa kursiga 1aad ee Maanta lagu dooranayo Teendhada Afisyooni, oo amaankeeda ay sugayaan Booliska DF iyo midka AMISOM.
Rooble ayaa lagu eedeeyay inuu la saftay ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed, oo raba in isaga looga dambeeyo doorashadda kuraasta Somaliland.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Rooble ugu hanjabay afarta xubnood ee isaga soo magacaabey inuu ka saarayo Gudiga doorashadda Xildhibaanada Somaliland, haddii aysan tagin goob gudiga hogaan ku dooranayo.
Tan iyo sanadkii tagey, xiriirka Farmaajo iyo Cabdi Xaashi ma uusan fiicnayn, waxayna labada Mas'uul isku hayeen arrimo dastuuri ah oo Madaxweynaha ku tumanayay.
Madaxweynaha ayaa ku socdo wado dhamaadkeeda yahay fowdo iyo burbur, waxaana looga digay inuu ku dhaqmi waayay sharciga lagu doortay 2017.
"Waxaa nasiib darro ah in Farmaajo wali uu ku adkaysanayo go'aankiisa qaldan, islamarkaana loo tababarayo Guddiyo sharci darro ah, oo loo diyaarinayo inay qabtaan doorasho ku saleysan boob iyo musuq maasuq," ayaa lagu yiri Qoraalka Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi.
Musharaxiinta mucaaradka ayaa shalay kulan uga furmay magaaladda Muqdisho, kaasoo ujeedkiisu uu yahay inay ku mideeyaan codkooda diidmada gudiyadda uu dhisay Farmaajo.
Markii ay soo dhawaato doorashadda Soomaaliya, inta badan Musharaxiinta waxay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka billaabaan Kenya, oo laga maamulo arrimaha dalka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay soo farageliso khilaafka ku saabsan magacaabista guddiga doorashooyinka wakiillada Somaliland.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu ahaa hogaamiye mucaarad ah.
Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu sharciga dalka baal-maray, islamarkaana uu beelaha Soomaaliyeed ka galay dembi kadib markii qaarkood xuquuqdoodii matelaadda u diiday.