Keydmedia Online Topic page

Deni

Warar Keydmedia Online | 5 September 2020

Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan hogaamiyeyaasha, waxaana la filayaa inay yeeshaan shirweyne ay heshiis uga gaari doonaan khilaafka u dhaxeeya.

Warar Keydmedia Online | 4 September 2020

Deni ayaa hadaliisa ka muuqday xaqiraad uu ku samaynayo horumarka dhinaca dhismooyinka iyo ganacsiga ay ku tallaabsaday Caasimadda Soomaaliya, oo hadda ka duwan sidii hore.

Warar Keydmedia Online | 4 September 2020

Muuse Suudi oo katirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in Muqdisho uu ka socdo heshiis aan Hawiye qeyb ka ahayn, oo hogaamiyeyaasha daarood ay ku gaarayaan magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online | 3 September 2020

Axmed Madoobe ayaa qori caaradiisa kula wareegay Kismaayo, isagoo dalka kusoo hogaamiyay Ciidanka Kenya oo tacadiyo dilal iyo kufsi isagu jira ka geysanaya Jubbooyinka iyo Gedo.

Warar Keydmedia Online | 3 September 2020

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayay inuu xalay la kulmo Deni iyo Axmed Madoobe, balse kulanka baaqday kadib markii Axmed Madoobe miiska soo saarey dalab ku aadan in DF Ciidanka kala soo baxdo Gedo.

Warar Keydmedia Online | 2 September 2020

Kulanka ayaa waxaa suurta-galiyay Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto  oo cadaadis ku saaray Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay Muqdisho yimaadaan, oo Farmaajo la fariistaan si loo dhameeyo khilaafka ka taagan doorashadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online | 1 September 2020

Waa markii ugu horreysay oo uu Saciid Cabdullaahi Deni Muqdisho yimaado tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland January 2019.

Warar Keydmedia Online | 1 September 2020

Labada hogaamiye ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan Kulan Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay oo lagu heshiisiinayo iyaga iyo Farmaajo oo isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka iyo hanaanka loo marayo.

Warar Keydmedia Online | 30 August 2020

Waxay Keydmedia Online ogaatay inuu Farmaajo bixiyay amarka Saddexda Maamul ee kala ah HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug looga reebay Shirka ay Beesha Caalamka garwadeenka ka tahay ee uu la yeelanayo maalmaha soo socda Deni iyo Axmed Madoobe.

Warar Keydmedia Online | 29 August 2020

Ilaalada gaarka ah Madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa galabta diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday Kismaayo iyo Garowe, iyagoo soo gaarey magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online | 29 August 2020

Madaxweyne Deni ayaa shir gudoomiyay Wasiiradda, iyadoo lagu ansixiyay Kulanka sharciga Isgaarsiinta Puntland iyo qodobo kale oo amaanka iyo bini'aadanimada kamid ahaayeen.

Warar Keydmedia Online | 16 August 2020

Wafuuda Farmaajo, Maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle ayaa ku sugan magaaladda Dhuusamareeb, halkaasi oo shalay ay gaareen.

Weather Mogadishu, SO

scattered clouds 25.5°C scattered clouds
Weather data by OpenWeatherMap (CC-BY-SA)