Keydmedia Online Topic page

Maxamed Cabdulaahi Maxamed ‘Farmaajo’

Maxamed Cabdulaahi Maxamed ‘Farmaajo’ waa Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxa uu ku dhashay Caasimada Muqdisho sanadkii 1962-dii. Waxa uu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1-da Luuliyo, kan sarena wuxuu ku qaatay dugsigii farsamada gacanta ee Lafoole.

Faramaajo waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo muddo dheer deganaa magaalada New York ee dalkan Maraykanka. Wuxuuna horey usoo noqday Ra’isul Wasaare laga soo bilaabo Nofeembar 2017 ilaa Juun 2011 waana aasaasaha ahan Xoghayaga-Guud ee Xisbiga Tayo.

Kani waa bogga ‘Farmaajo’ ee Keydmedia Online

News Keydmedia Online | 3 October 2020

Maadaama doorasho ay ka dhacayso dal safka hore uga jiro kuwa ugu musuq-maasuqa badan Caalamka, waxaa lagama maarmaan noqotay in la sameeyo habraac cabashada lagu xaliyo.

News Keydmedia Online | 2 October 2020

Soomaaliya waxay dib ugu laabatay hanaankii awood qeybsiga qabiilka ee 4.5 kadib markii Farmaajo uu ku fashilmay balanqaadkii uu doorashadda kusoo galay 2017.

News Keydmedia Online | 1 October 2020

Magacaabista ayaa la ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedya dalka.

News Keydmedia Online | 1 October 2020

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kamid ah mucaaradka Farmaajo, isagoo ku jira Madasha Xisbiyada Qaran hogaankeeda sare, waxaana la sheegay inuu sanadkan musharax yahay.

News Keydmedia Online | 30 September 2020

Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan ku dhawaaqo Gollihiisa Wasiiradda Cusub, iyadoo la hadal-hayo inay soo laaban doonaan qaar kamid ah Xukuumadii Khayre.

News Keydmedia Online | 30 September 2020

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku biiray xalay kulanka, isagoo howlo shaqo ugu maqnaa magaaladda Gaalkacyo, ii Ciidan tababar ugu soo xiray.

News Keydmedia Online | 28 September 2020

Waa kulankii ugu horeeyay oo Rooble si wadjir ah ula yeeshay Safiiradda Beesha Caalamka u fadhiya magaaladda Muqdisho.

News Keydmedia Online | 28 September 2020

Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay 14-kii October, 2017 Qaraxii ugu waynaa oo Caalamka ka dhaca wixii ka dambeeyay kuwii lagu weeraray Mareykanka 11-kii September 2001.

News Keydmedia Online | 27 September 2020

Xil-wareejinta ayaa dhacday iyadoo Xasan Cali Khayre uu joogo Muqdisho, waxaana lagu tilmaamay arinta mid sharci darro ah, oo baal-marsan dastuurka dalka.

News Keydmedia Online | 27 September 2020

Farmaajo ayaa Qalbi Dhagax u dhiibay Itoobiya August 2017 kadib markii laga soo qabtay Galmudug, isagoo arintaas kula kulmay hoos u dhac sumcadda iyo taageeradda Shacabka Soomaaliya.

News Keydmedia Online | 27 September 2020

Ma jiraan mas'uuliyiin sare oo ka qeybgashay musaanabadda, sida Farmaajo oo qeyb ka ah is-bar bar yaaca ka jira Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

News Keydmedia Online | 27 September 2020

Farmaajo ayaa dowladnimada ka leexiyay jikeeda, isagoo jebiyay sharciga dalka oo ahaa in hadii xilka laga qaado Ra'iisul Wasaare, isaga sii haya xafiiska illaa mid cusub ka imaanayo, laakiin ma uusan sameyn markii Khayre la eryay July 25.