Keydmedia Online is under expansion!
Qoyska Marxuumka ayaa sheegay inay dalbanayaan baaritaan madax-banaan oo lagu kalsoonaan karo, kadib markii ay ka shakiyeen in Cali Khaliif la sumeeyay.
Diyaarad gaar ah ayaa medyka kasoo qaadey maanta magaaladda Jigjiga oo Khamiistii ku geeriyoodey.
Geerida Ra'iisul Wasaarihii hore ayaa abuurtay shaki aad u ballaaran, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in la sumeeyay Mas'uulkan oo isagoo Caafimaad qaba howlo shaqo u tagey Jigjiga.
Wararka ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaarihii hore uu la xannusanaa cudurka COVID-19 labadii maalmood ee ugu dambeeyay.
AUN Cali Khaliif ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa magaaladda Jigjiga, halkaasoo uu kulamo kula yeeshay Mas'uuliyiin kala duwan, oo kuwa Jabhadda ONLF kamid yihiin.
Saraakiisha maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay geerida AUN Cali Khaliif oo dalka Soomaaliya Ra'iisul Wasaare kasoo noqday sanadkii 2000.