Keydmedia Online Topic page

Maxamed Xuseen Rooble

​Injineer Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqonaya Ra’isul Wasaarihii 20-aad ee Soomaaliya. Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sida ku xusan Cv-giisa uu darajadda koowaad ee Jaamacadda uu ka heystaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Shahaadadda heerka Master-ka ayuu ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, wuxuuna uga qalanjabiyay culuunta Environmental Engineering and Sustainabale Infrastructure.

Maxamed Rooble ayaa ku cusub siyaasadda, wuxuuna muddo dheer (14 sanno) lasoo shaqeynaayay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hey’adda Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization) ILO.

Report Keydmedia Online | 23 September 2020

Ra'isul Wasaare Rooble oo looga fadhiyo hirgelinta doorasho wada-ogol ah, oo ku dhacda muddo kooban. 

Maxamed Xuseen Rooble

Waa kuma RW Cusub?

Report Keydmedia Online | 18 September 2020

Ingineer Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa loo magacaabay xilka Raisul wasaaraha 20aad ee Dalka, hadaba waa kuma Maxamed Xuseen Rooble?

News Keydmedia Online | 23 September 2020

Keydmedia Online ayaa horey usoo qortay in Villa Soomaaliya ay Xildhibaanada siiyay lacag aad u badan, oo laaluush ah iyagoo ku iibsaday codadkooda, taasoo keentay in Maanta la waayay hal Xildhibaan oo diiday ama ka aamusay codeyntii kalsoonida lagu siiyay Rooble.

News Keydmedia Online | 18 September 2020

Ra'iisul wasaaraha ayaan haysan waqti ku filan, waxaana uu sii dhammeystiri doonaa shaqooyinka qabyada ah.