Dhallinyaro isxilqaantay oo dadkooda Daawo gaarsiiyay
Injineer Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqonaya Ra’isul Wasaarihii 20-aad ee Soomaaliya. Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa sida ku xusan Cv-giisa uu darajadda koowaad ee Jaamacadda uu ka heystaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Shahaadadda heerka Master-ka ayuu ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, wuxuuna uga qalanjabiyay culuunta Environmental Engineering and Sustainabale Infrastructure.
Maxamed Rooble ayaa ku cusub siyaasadda, wuxuuna muddo dheer (14 sanno) lasoo shaqeynaayay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hey’adda Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization) ILO.
Afar maalmood ayaa ka dhiman maalintii la magacaabey, waxay hal bil u buuxsamaysaa sabtida soo socoto, waxaana wali jrin wax golle wasiiro oo uu magacaabey bishii loo qabtay.
Midowga Yurub ayaa taageero xoog leh siiya Dawladda Soomaaliya, waxayna tababaraan Ciidanka dagaalka kula jira Kooxda Al-Shabaab.
Waa arin ku cusub xafiisyadda madaxda sare ee dalka, waxaana hadda ay billaabeen dadka u qaabilsan protocol-ka RW Rooble inay dadka weeydiiyaan lacag si loogu balamiyo.
Wararka ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaarihii hore uu la xannusanaa cudurka COVID-19 labadii maalmood ee ugu dambeeyay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Dowlad-wanaagga, Cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya.
Waa safarkii ugu horeeyay oo dibadda ugu baxo isagoo Ra'iisul Wasaare ah, waxaana kusoo beegmayaa xili laga sugayo inuu ku dhawaaqo Gollaha Wasiiradda.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan ku dhawaaqo Gollihiisa Wasiiradda Cusub, iyadoo la hadal-hayo inay soo laaban doonaan qaar kamid ah Xukuumadii Khayre.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa tan iyo shalay waxaa ka socda kulamo xiriir ah, oo lagu dardargelinayo howsha culus ee loo dhiibay Maxamed Xuseen Rooble.
Waa kulankii ugu horeeyay oo Rooble si wadjir ah ula yeeshay Safiiradda Beesha Caalamka u fadhiya magaaladda Muqdisho.
Xil-wareejinta ayaa dhacday iyadoo Xasan Cali Khayre uu joogo Muqdisho, waxaana lagu tilmaamay arinta mid sharci darro ah, oo baal-marsan dastuurka dalka.
Ma jiraan mas'uuliyiin sare oo ka qeybgashay musaanabadda, sida Farmaajo oo qeyb ka ah is-bar bar yaaca ka jira Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Farmaajo ayaa dowladnimada ka leexiyay jikeeda, isagoo jebiyay sharciga dalka oo ahaa in hadii xilka laga qaado Ra'iisul Wasaare, isaga sii haya xafiiska illaa mid cusub ka imaanayo, laakiin ma uusan sameyn markii Khayre la eryay July 25.