Keydmedia Online Topic page

Maxamed Xuseen Rooble

​Injineer Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqonaya Ra’isul Wasaarihii 20-aad ee Soomaaliya. Rooble waa injineer ku dhashay magaalada Hobyo, bishii Oktoobar 1963, ahna aabe dhalay shan carruur ah.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sida ku xusan Cv-giisa uu darajadda koowaad ee Jaamacadda uu ka heystaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Shahaadadda heerka Master-ka ayuu ka qaatay Jaamacadda KTH (Kungliga Tekniska Högskolan) ee Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, wuxuuna uga qalanjabiyay culuunta Environmental Engineering and Sustainabale Infrastructure.

Maxamed Rooble ayaa ku cusub siyaasadda, wuxuuna muddo dheer (14 sanno) lasoo shaqeynaayay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hey’adda Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization) ILO.

News Keydmedia Online | 17 October 2020

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 10 maalmood la dhaafay mudadii la qorsheeyay in lagu soo gudbiyo xubnaha ugu matelaya Maamul Goboleedya Guddiyada doorashooyinka.

News Keydmedia Online | 14 October 2020

Dawladda Soomaaliya ayaa ka adkaan waysay Al-Shabaab iyadoo taageero Ciidan ka helaysa Midowga Africa iyo Mareykanka oo askar ay ka joogaan dalka.

News Keydmedia Online | 13 October 2020

Rooble ayaa ka sheegay Shirka in ay ka go’an tahay fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorashooyin xasilloon, oo ku qabsooma waqtigooda.

News Keydmedia Online | 13 October 2020

Afar maalmood ayaa ka dhiman maalintii la magacaabey, waxay hal bil u buuxsamaysaa sabtida soo socoto, waxaana wali jrin wax golle wasiiro oo uu magacaabey bishii loo qabtay.

News Keydmedia Online | 12 October 2020

Midowga Yurub ayaa taageero xoog leh siiya Dawladda Soomaaliya, waxayna tababaraan Ciidanka dagaalka kula jira Kooxda Al-Shabaab.

News Keydmedia Online | 11 October 2020

Waa arin ku cusub xafiisyadda madaxda sare ee dalka, waxaana hadda ay billaabeen dadka u qaabilsan protocol-ka RW Rooble inay dadka weeydiiyaan lacag si loogu balamiyo.

News Keydmedia Online | 8 October 2020

Wararka ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaarihii hore uu la xannusanaa cudurka COVID-19 labadii maalmood ee ugu dambeeyay.

News Keydmedia Online | 7 October 2020

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Dowlad-wanaagga, Cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya.

News Keydmedia Online | 5 October 2020

Waa safarkii ugu horeeyay oo dibadda ugu baxo isagoo Ra'iisul Wasaare ah, waxaana kusoo beegmayaa xili laga sugayo inuu ku dhawaaqo Gollaha Wasiiradda.

News Keydmedia Online | 30 September 2020

Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan ku dhawaaqo Gollihiisa Wasiiradda Cusub, iyadoo la hadal-hayo inay soo laaban doonaan qaar kamid ah Xukuumadii Khayre.

News Keydmedia Online | 29 September 2020

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa tan iyo shalay waxaa ka socda kulamo xiriir ah, oo lagu dardargelinayo howsha culus ee loo dhiibay Maxamed Xuseen Rooble.

News Keydmedia Online | 28 September 2020

Waa kulankii ugu horeeyay oo Rooble si wadjir ah ula yeeshay Safiiradda Beesha Caalamka u fadhiya magaaladda Muqdisho.