Keydmedia Online is under expansion!
Xasan Sheekh ayaa la kulmay tan iyo Khamiistii dhowr Mas'uul oo katirsan dowladda Mareykanka, kuwaasoo ay kamid yihiin la-taliyaha amniga qaranka Biden iyo Wasiirada difaaca iyo dibadda.
Xasan Sheekh ayaa ka sheegay madasha su’aallo waydiinta ah in Afwerki sababta uu u haysto Ciidanka Soomaalida ay tahay inuu la sugayo inta dalka uu ka xasilayo, islamarkaana laga gudbayo kala-guurka.
Hadalkan ayaa yimid saacado kadib markii Ciidamadda Danab ay howlgal habeenkii Arbacada ka fuliyeen degaanka Buq-Aqable, oo ku dhaw Beledweyne ay ku dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab.
Fiqi ayaa xilka Wasiirka amniga Galmudug iska-casilay Oct 2021 kadib markii ay is-khilaafeen Madaxweyne Qoor-Qoor, oo Kursigiisa Xildhibaan-nimo inuu kusoo noqdo u diiday.
Washington ayuu tagi doonaan Madaxweynaha bishan, kadib markii uu Casuumaad ka helay Aqalka Cad, oo la filayo inuu kula kulmo Joe Bidan.
Dalka waxaa ka dhacay Isbedel dhanka hogaanka ah bishii May 2022, iyadoo Villa Somalia ka shaqeynayso isku-duubni, wadajir iyo in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa hadda soo wajahay culeyso dhinac kasta ah, iyadoo ku billowday weeraro dhulka iyo Cirka ah gobollada ay Maamusho ee Koofurta dalka.
Labada hogaamiye ayaa Khadka Taleefoonka kawada hadlay Maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxayna isla soo qaadeen arrimo kala duwan oo xoojinaya cilaaqaadka labada dal.
Xasno ayaa ku geeriyootay 1-dii bishan dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo Meydkeeda loo keenay Muqdisho, si aas heer qaran ah loogu sameeyo.
Waxay Al-Shabaab sheegtay inay dishay in ka badan 20 xubnood oo katirsan Kooxda Macwiisleey, ee dagaalka kula jirta gobolka Hiiraan.
Tirada khasaaraha dhimashadda ayaa sii kordhaysa, iyadoo ay jiraan 5 qof oo kale oo qarax ku dhintay xili ay gurmad ahaan ugu sii jeedaan Goobtii xalay dadka lagu laayay.
Madaxa UN OCHA ayaa Khamiistii booqday Muqdisho, isagoo la kulmay Xasan Sheekh oo ay kawada hadleen sidii loo badbaadin lahaa nolosha Malaayiin qarka u saaran Macluul inay u dhintaan.