Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 8 May 2013 | KON

Guluf Colaadeed Lagu Martoo Dhaliyey Tacaddi Iyo Eex

By Cumar Axmed - Maalin maalmaha ka mid Aniga oo xoolo waraabsanayo baa Oday madow, oo aad moodid in uu irid ka xaluulanayo dherer awgiis isoo dul istaagay.

Teaser Image Guluf Colaadeed Lagu Martoo Dhaliyey Tacaddi Iyo Eex

Wadaantii baa biyaha ka shubay, kolkaas baan salaamay, isaguna iiga guddoomay salaantii si dabacsan. Odaygu baan sare u eegay, oo waxaan arkay in indhihiisa ka muuqdaan tiiraanyo iyo niyad xumo.

Wuxuu ila ekaaday nin waxa uu ogyahay walaacinayaan doonayana inuu ii sheego waxa indhahiisu arkeen ee maskaxdiisu ku keydsan. Malaha wuxuu ka niyad xunyahay waxyaabo hore oo wadnihiisa taabatay, tolow ma geeraa mise waa dhul gariir reera laayey, mayee odaygu ma geeri baa gashay oo haweyneedii u dhaxday baa ka umul raacday, iyadoo reebtayna sideed iskuma qaddo ah oo barkood mataano yihiin. Ama waxaa ka goblamay curad labatan jir saday uu islaha ha kuu ciidamiyo aad ugu nasatid.

Anigu waxaan la fajacay eegmada odayga iyo siduu ii jaleecayo oo waxaan isri malaha miciin buu ibiday oo wax awoodiisa ka tan badan baa jiroo armuu hiil iiga baahan yahay. Intaan u dhawaaday baan u dhiibay agaan biyo ah si oonka iyo asqada uga ba’o. Intuu odaygii biyihii laba jeer kabaday buu cod xasillan igu yiri: “Waxaan soo maray jid cabsi badan oo meedad fara badan yaaliin.

Waan gartay dakaasi intooda badan oo wejigoodu waxay ahaayeen dad deris ah, xigto iyo xigaalo oo caro iyo ciil la karaar dhaafay inta ay wada daganaayeen. Waayo in badan baa geyigaas ka aloosnaa, tacaddiyo badan, eex iyo xad-gudub oo markaas manta waxa dhacay dagaalkan caruuro gawraca ah ee dad badan ku hoobteen.”

Odaygii oo weli sii wado hadakiisii baa i weydiiyay, “soo kama baqeysid in colaada  soo gaarto geyigan oo sida nabadda ah aad xoolaha ku waraabsaneysid? Soo kama baqaysid in colaadu ku galaafato adiga, dadkaaga iyo xoolahaagaba?”

Intii aanan u jawaabin baa willkiigii xoolaha horayey hadalkii la booday oo horaa loo yiri “nin yari intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa,”oo war dagaal iyo colaadda aad sheegeysid waa waxay ka dhaceysaa carri fog ee Adeer, hana walaacinin.”

Odaygii baa yiri, “Maya, colaaddu idinkama foga oo waxay idiin jirtaa laba caano- maal.”

“Aabo, xoolaha inoo shub, oo inaga daa odaygan war-xun sheegga ah.” Buu inakii yaraa si caro leh u yiri.

“Maandhow, miyaadan ogayn in dagaalku yahay sida dab dabeyli waddo oo wax ka dheereen og?”

Anigu intaan arggagaxay oo aan wadaantii biyaha degdeg uga shubay baan bari iyo galbeed eegay oo hadalkii odayga baa igu dhaliyey dhiillo colaadeed. Isla daqiiqad gudahood baa maskaxdeydii ku soo dhacay gabaygii abwaan Sangub ee Xoriyo. Waxaan filayaa in dadweyne badan ay daawadeen, laakiin daka intiisa badan ma dareemin dhiillada colaadeed ee waagaas abwaanku odorosayey.

Waxay dadku la ahayd mustaxiil maanka ka weyn in dadka gaboodfalka lagu smeynayo maalin un madaxa la soo kaci doonaan sida aduunkaan qallibmay ee odaygu ii sheegayo maanta.

Odaygu madaxa ayuu hagoogtii saartay illeyn talo waxay ku ibbo-beeshay baqo-carar iyo ninba in uu naftiisa badbaadiyo. Odayga tiiraanyada indhahiisa ka muuqdo malaha waxaa ka fajiciyey waxa ay indhiiisu arkeen oo uu marqaatiga ka yahay, laakiin abwaanku wuxuu gabaygiisa ahaa odoros iyo xiddigis (Cilmi Falag) runta magansaneyso oo wuxuu afka ku dhiftay duulaan iyo guluf colaadeed in uu geyigu ku soo fool leehayay. Waxaa ii muuqdo weli abwaanka oo gabaygii xanuunka badanaa soo jiirayaan dibnahiisa isagoo leh:

Gudcurkiyo cadceedan isqabsaday, hadalkan gaagaaban,
cilmi falagga guurey ee dayaxa guudka laga saaray,
Gordane iyo suhradan kala durkaye godobta sheegaaya,
Guntane iyo bayaatkan isdhacay ee geella ka qaaday,
Gartan uu afyuubkii lahaa geli aqoon waayay,
Ximrahan gudinta soofaystay ee gamasdka dhiigaystay,
Lamaanahan gucleeyay ee u tegay dirirta gowriira,
Gaadhanahan ordaaya ee derderay guubiska hurdaaya,…….

Muddoo markuu odaygii i agtaanaa aniguse dhaqaaq la'aan ku sugnaa oo maskaxdeydu kuuxa gulufka colaadeed ee laba can-maal inoo jiro, baan wax sida qof hudo ka soo kacay hareerteedii jaleecay, mise waxaan arkay odaygii  oo ii gacan haatinayo una dhaqaaqaya xagga iyo Galbeed.

Cumar Axmed  - USA | Keydmedia Online


Masawirka Qoraalka wuxuu kamid yahay Dhaxalka Golol Art Gallery oo uu Abwaan Niiniile Aslay.

Masawirkaan wuxuu Tilmaamayaa Qabiil, Qabiil kale dulaan ku ah. Raggaan Waxey ku tashadeen inay dhacaan oo Dagaanka ay Dulaanka ku yihiin Qabsadaan. Mid kamid ah ayaa wuxuu yiri "War amay na halaagaan?" Mid kale ayaa wuxuu yiri "Oo maxaan u weerareenaa oo ay noo dhibeen?" Mid kale ayaa wuxuu yiri " Amay anaka na furtaan?" Mid kale ayaa wuxuu yiri "Anigu Colaadaas kama qeybqaadanayo!" Waxey noqdeen Ragg garamay oo Su'aale isweydiiyay, kadibnah waxaa usoo baxday inay Haboontahay inay ka tanasulaan Weerarkii ay markii hore kusoo tashadeen.

Micnahu Farshaxankaan waxa weeye: Caqligii ayaa shaqeeyay, Colaadiinah waa la Wiiqiyay.

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top