Kolka dhinac kasta laga eego siyaasada Soomaaliya mudadii u dhexeeysay Febraayo 8, 2017 kii ilaa iyo Febraayo 8, 2021, haba-yaraatee siyaasada Soomaaliya ma samayn wax horumar ah oo la taaban karo. Horumar la'aantas siyaasadeed oo ka dhigan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmajo ku fashilmay 100% siyaasada.

Farmaajo waa musiibo Umadda ku habsatay

Falanqeyn Keydmedia Online | 24 February 2021

Farmaajo waa dictator haysta la taliyayaal wajiyo badan leh oo dilaa ah iyo Gareeno aan damiir lahayn oo dadkooda sharaftiisii iyo magaciiba god dheer ku riday, dadkoodana dulmiyay. 

Weather Mogadishu, SO

few clouds 26.5°C few clouds
Weather data by OpenWeatherMap (CC-BY-SA)
Falanqeyn Mohamud M Uluso | 8 February 2021

Gabogabada wanaagsan ee Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ka jeediyay Golaha Shacbiga ee BF, kaddib fashilka shirkii Dhusamareb, oo looga wada hadlayay xallinta khilaafaadka ka taagan doorashada waxay aheyd in Madaxweyne Farmajo oo xilkiisa ku eg yahay 7 febrayo 2021 ku dhawaaqo is-casiladiisa, lana kala diro BF oo muddo xiledkiisa dhammaaday 27 Nofember 2020 si shacabka Soomaaliyeed uga tashado aayihiisa. Nasiib darro, Madaxweyne Farmajo wuxuu tibaaxay, ishaaray inuu si sharcidarro ah ku haysanayo xilka Madaxweynaha JFS muddo aan dhammad laheyn.

Fashilka Dhusamareb-4 waa Iscasiladda MW Farmaajo

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 7 February 2021

Shir jaraa’idkii Wasiirka Warfaafinta DFS Mudane Dubbe ku qabtay Caasimada DG Galmudug, dhusamareb wuxuu caddeeyay in shirkii GWQ ee u dhexeeyay Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweynayaasha DG ku dhammaaday fashil (heshiis la’aan), taaso macnaheedu yahay in dalka Soomaaliya aysan ka dhici doonin doorasho heshiis lagu yahay inta aysan dhammaan muddo xileedka Madaxweyne Farmajo.

Labada Shabaab midkee dilay Jeneral Galaal?

Falanqeyn Keydmedia Online | 2 February 2021

Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Soomaaliya ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii Axadda lagu qaaaday hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho, Keydmedia Online ayaa Su'aallo ka qabta geerida Marxuumka inkastoo ay muuqato in ay DF baaritaankeeda deg-deg kusoo afjartay. 

Mareexaan wali waa reer Miyi!

Falanqeyn Keydmedia Online | 29 January 2021

Dhaaxaan murug iyo haraad mudanee, Maantay curatoo maataanaysee, Aan maalno hasheena maandeeqee – Qarshe | Bulshada Soomaaliyeed oo ahayd reer guuraa geel dhaqato u badan, ayaa 1930-meeyadii bilaabay in ay si xoog leh ugu soo guuraan magaalooyinka oo ay u arkayeen in ay ka manfac roonyihiin miyiga. Maadaama waxa ugu weyn ee Soomaalidu lahayd uu ahaa Geel, xoriyaddii iyo israacii Koofur iyo Waqooyi ee dhalatay 1960-kii, waxa ay ku mataaleen hal Maandeeq la yiraahdo oo mataaneysay, ‘Hasha’ waxa ay kasoo qaadeen ‘Xoriyadda’ ‘Mataanahana’ waxa ay ula jeedeen isku imaadka Koofur iyo Waqooyi

Odoyaaloow; oohinta dumarka keliya yaan lagu eegan!

Falanqeyn Bashir M. Xersi | 22 January 2021

Bulsho waxay ku wadajoogtaa ku dhaqmidda xeerar qoran ama dareenqaadasho ah, dawladse waxaa haga xeer qoran oo keli ah, labadaa wixii ka soo hara waa xeerar duurjoog iyo dugaag.

Rooble 'Rogane'

Rogane, waa Riya ku nool

Falanqeyn Keydmedia Online | 21 January 2021

Danbiyada aan waligood duugoobi doonin ee uu dalkan ka galay Ina Siyaad Barre, oo kumanaan buug laga qori karo, waxa ay dalka ka leexiyeen toobiyaha toosan, dar-xumo iyo daranyo baahsan ayayna sababeen, waxaana dhibaatadaas ka dhiidhiyay rag uu ka mid ahaa AUN Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, oo June 17, 1990-kii magaalada Mustaxiil luugu doortay guddoomiyaha United Somali Congress (USC), kaas oo dagaal dheer kadib, January 26, 1991-kii, dhiigya-cabkii ka saaray magaalada Muqdisho.

Qaybi oo xukun: ‘Federaalka’ qabyaaladeysan ee Soomaaliya

Falanqeyn Keydmedia Online | 19 January 2021

Ka dib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991kii, siyaasadda dalku waxaa ay noqotay mid aad u cakiran oo cid kasta oo gobolka iyo aduunka aan ku noolnahay ee dan ka lehba ay u fududaatay in ay dhankeeda ka walaaqato; faro-gelin toos ah iyo mid dadbanba, gaar ahaan quwadaha shisheeye ee Bariga iyo Reer Galbeedka iyagoo kala adeegsanaya gacmaha dowladaha dhaca mandiqadda Geeska Afrika iyo Khaliijka iyo weliba hogaamiyayaasha qabaa’ilka iyo kooxaha calooshood-u-shaqeystayaasha.

Riyada Farmaajo

Rooble Rugtii Cali Geedi ayuu Rucleynayaa

Falanqeyn Keydmedia Online | 11 January 2021

Tan iyo markii dalku ka baxay hanaankii ku –meel-gaarka sanadki 2012, waxaa ka dhacay Labo doorshao, oo Xasan iyo Farmaajo ayaa faraha laga saaray furaha xaafiiska looga arimiyo Soomaalida, inkasta oo Labada muddo xileedba ay isaga mid ahaayeen Mandate-ka Doorashooyinka oo Qof iyo Cod lagula ballamay, mid waliba hadana midina uma suurta-galin in ay dalka ka qabsoonto doorasho shacabku u dareero, santuuq sax ahna safaf dhaadheer looma galin. 

Suugaantii 03/10/1993

‘RAJOCELINTII’ | Q-13AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan | 30 December 2020

Gunaanadkii qoraalkii dheeraa ee qormooyin taxan ahaa ayaan joognaaye, hadda, sidii aan hore idiin kugu ballanqaaday, ayaan afmeerka dhigaalkan ku soo qaadanayaa qaybo ka mid ah suugaantii ka la duwaneed ee laga tiriyey dhacdadii 03/10/1993.

Dhammaadka muddo xileedka BF

Awoodda is xukunka waxay dib ugu noqotay shacabka

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 29 December 2020

Sida ku cad qodobka 60 ee Dastuurka kmg, muddo xileedka BF waa 4 sano oo laga bilaabayo maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada rasmiga ah oo ah maalinta dhammaan Xildhibannada guuleystay la dhaariyay, hadaba BF 10 ( 2016-2020 ) waxay dhammaatay maalintii Axadda 27.12.2020.

Shan Xaaladood & Waali: Odoros halka Soomaaliya ku sii socoto

Falanqeyn Keydmedia Online | 24 December 2020

Soomaali farabadan oo kala jooga dalka iyo dibadiisa ayaa iga codsaday in aan isku dayo in aan siyaasada Soomaaliya ka bixiyo sawir dhamaystiran (scenarios), muuqaal dadka oo dhan si fudud ku fahmi karaan: Ka hor inta aan lagaarin 8-da Febraayo ee 2021-ka siyaasada Soomaaliya intee waji ama muuqaal ayeey yeelan-kartaa?

Rooble wuxuu sii hurinayaa qalalaasaha Siyaasaddeed 

Falanqeyn Keydmedia Online | 16 December 2020

Ujeedada Safarka Ra'isul Wasaare Maxamed Xussein Rooble ku tagay DG Puntland waa hurinta qalalaasaha siyaasadda Soomaaliya ka holcaya, wuxuuna Ra'isul Wasaaraha ku fashilmay in uu hirgaliyo labo arrimood oo laga sugayay Xukuumaddiisa, waa fallanqeynta booqashada Rooble ee Garoowe ee Dr. Maxamud M Culusow.

Damaca Dhul Fidsiga Kenya waxaa ka daran

Dulmiga, Dibin-daabyada, iyo Dayacaadda DF Soomaaliya

Falanqeyn Mohamud M Uluso | 9 December 2020

Inta badan Muwaadiniinta dal kasta waxay la saftaan madaxdooda marka khilaaf ka dhex dhaco dalkooda iyo dal ajnabi ah. Haseyeeshe, Muwaadiniinta Soomaaliyeed waa ku adag tahay inay la saftaan madaxdooda madaama ay tuhunsan yihiin dacadnimadooda, xilkasnimadooda, iyo hadafkooda.

Dagaalkii Raanjaris!

‘RAJOCELINTII’ | Q-12AAD

Falanqeyn Ina Cubtaan | 6 December 2020

Bogga RAJOCELINTII ee KON | Qoomamada Maraykanka iyo calaacalkooda, walow ay Soomaalidu ka qasaaro badneed, haddana, waxay ku jifeen libin ku geeraar iyo dhoollacaddeyn, si walba oo xanuun iyo xumaan u dareemayeen, maxaa yeelay, waxay afka ciidda u dareen, kibirjebinna ku sameeyeen Maraykanka oo dunida u haystay, in la is ka dhiciyo iska daaye, in aan la hor-istaagi karin.

Odoroska xalka ismari waagga siyaasadda Soomaaliya waa dagaal

Falanqeyn Keydmedia Online | 1 December 2020

Ugu horreyn, waxaan ka afeefanaya in aan qoraalkaan loo fasiran inaan taagerayo colaad Soomaaliyeed, waxaana ilaahey ka baryaya in Soomaaliya uu ka dhigo dal nabad iyo barwaaqo ah. Haseyeeshe lix (6) arrimood ayaa abuuray xaalad aan laga bixi karin dagaal la’aan.