Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Sunday 3 November 2013

“Heshiiskii” Kismaayo oo la Aasay!

Keydmedia Online - Dowladda Xasan Sheikh Maxamuud, Saacid iyo Prof. Jawaari ayaa waxey ku guuldareysteen Rajadi iyo Kalgaceylkii ay Soomaali u muujisay in ay ka Turjumaan.

Teaser Image “Heshiiskii” Kismaayo oo la Aasay!

Sanad baa u buuxsamay inta ay Magaca Dowladda Soomaaliyeed huwanyihiin, durbadiina waxaa soo baxday in ay Jariimo ka galeen Qaranka iyo Shacbiga Soomaaliyeed oo Laamaha Qoyan iyo Caleemaha midabka leh kusoo dhaweeyay Hogaamintooda oo inta badan ay Soomaali raali ka aheyd.

Jariimada Qaran oo ay Soomaali ka galeen waxaa kamid ah: Duulaankii ay Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya ay Degeenka iyo Dadka Kismaayo kusoo qaadeen, waa tii Deegaanka Dadka laga barakiciyay, waa tii Qaybo Magaalada Kismaayo kamid ah la Burburiyay, waa tii uu ka dhacay Kufsigii ugu xumaa, waa tii Cuqaashii dhafoorka laga toogtay, waa tii Baqaaraha la Boobay, waa tii Ciidamada Dowladda Magaalada Banaanka looga saaray, waa tii Xildhibaanada Qaranka iyo Wasiirka Difaaca lasoo ceyrshay, Aaqirkanah waa tii Dadka Deegaanka 70% laga Barakiciyay. Arimahaas oo dhan intee dhacahayeen waxba kama aysan Qaban! Kaliyah ma ahan in aysan wax ka qabanee, Hoosaasin iyo Garbaduub bay waxey ku sameeyeen Dadkii Deegaanka oo Run moodayay Hadalada ay ka sheegayaan Radiomuqdisho.

Xasan Sheikh, Shirdoon iyo Jawaari Jariimada Qaran oo ay Soomaali ka galeen waxaa kaloo kamid ah markii ay Kooxda S-A-H-A-L oo ay Horkacayaan Madoobe, Ina Cabdirashiid, Gaandi, Cali Khaliif, Cabdiweli, Morgan, Darwiish iyo iyo iyo ee iskaga soo habar-wacday Jigjiga, Bari iyo Gaarissa ay Shir ku qabsadeen Magaalada Kismaayo, ayagoo Diyaaraddaha sita Calaamada Kenya ay Magaalada Kismaayo Kor-heehaabayaan.

Markii ay Arintaas dhacday ayaa Bulshadii Banaadir waxey damacday in ay Fikrigooda ay ku diidanyihiin Shirqoolada ay maleegayaan Kooxda S-A-H-A-L ay Mudaharaad ku muujiyaan Maalin Jimca ah, waana tii la caburiyay lana handaday Cuqaashii iyo Waxgaradkii isku dayeysay in ay Abaabusho Mudaharaadkaas. Wuxuuna Amarkaas kasoo fulay Wasiirka Madaxtooyadda Faarax C/qaadir.

Markii Waxgaradkii, Cuqaashii iyo Xildhibaanadii kasoo jeeday Gobollada Jubbooyinka ay Afka furteen, waa tii Xassan Sh. Maxamuud uu Raadiyaha ka sheegay in Shir looga hadlayo Arimaha Kismaayo uu ka dhici doono Addis Ababa, Shirkaas waxaa iskugu tagay Labo kasoo jeeda Kililka Shanaad, waa Madoobe iyo Faarax Cabdulqaadir waxaana lagu qabtay Addis Ababa, waxaana "dhexdhexaadin" u ahaa Dowladda Itoobiya, waxaana lasoo maleegay Heshiiskaan Shirqoolka ah oo Maanta dhameystirkiisi la yiri Muqdisho uu ka furmay.

Nabadoon Buraale, Xaad, Iftin Baasto iyo Xildhibaan Sandheere intuba waxey cadeeyeen in ay la yaabanyihiin waxaan lagu sheegayo Heshiiska Addis Ababa: Waxaa Madasha Shirka timid 270 reer Raaskambooni ah, iyo 80 laga soo xulay Ururka S-A-H-A-L, waxaana la yiri Soomaali waa u dhantahay Shirka Kismaayo, taasnah waxaan u fasiranay "Kismaayo Qoyskii kusoo duuulay ayaa iska leh loona Sharciyeeyay ee u Hogaansama" - Taasnah waa mid aan la qaadan karin, sidaas waxaa yiri Nabadoon Maxamed Xassan Xaad.

Xildhibaan kasoo jeeda Jubbooyinka oo aan Shirka Maanta furmaya kala hadalnay ayaa eedeeyay Madaxweynaha wuxuuna yiri "Xasan Sheikh wuxuu noola muuqdaa Nin Qalqalay oo Cadaaladdii Garabmaray, amarkanah meel kale kasoo qaata, waxaana laga dhaadhiciyay - Kismaayo Faraha ka qaad, Adiganah Afartaada Sano si Walwal la'aan ah ku dhameyso - waxaana moodaa in uu Arintaas rumeystay"

"Waxaan Shaki ku jirin, kan in uusan Heshiis aheyn, socona doonin, kana hirgali doonin Deegaanka Jubbooyinka waayo waxey u socotaa in ay tagto Dagaal, Dagaal Sokeeye, oo daba-dheeraada. Waayo ma jiro Nin Ogolaanaya dhafoorka aan Xabad kaa saaro oo aan kugu xukumo - Kuwi hore ayey u suurtagali weyday, kuwa Gafuurka soo duubtay ayey u suurtagali weyday, kuwaanah uma suurtagali doono..."

Mudane Madaxweyne, Mudane R/Wasaare, Mudane Gudoomye Baarlamaan, Ma Ogtihiin in ay xilweyn idinka sarantahay ilaalinta Qaranimada iyo Dhamaan Dalka Soomaaliya maadaama aad sheegatiin in Soomaaliya ay tahay Dal xor ah oo Madaxbanaan, Idinkunah aad Madax u tihiin.

Ma Ogtihiin in aad Hoosaasiseen Bulshaweynta Nabada Jecel oo u baahan Cadaaladda, si aysan u sameenin Habayaraatee dhaqdhaqaaq ay ku Difaacanayaan Degaankooda, Hantidooda iyo Dadnimadooda.

Waxaan u aragnaa inay Jariimo Qaran tahay in lala fariisto ama la Aqoonsado Kooxda aygoo mar Shabaab ah, mar Raaskabooni ah, Marnah Qabiil ah ee ku soo duulay Jubbooyinka ayagoo Hubaysan oo ay dabada ka riixeyso Kenya, Kenyanah ay dabada ka riixayaan Shirkadaha Shidaalka si loo kala dhantaalo Qaranimada Soomaaliya iyo wadajirka Dalkeeda.

Mudanayaal, ma isku haysataan in aad Taariikhda ka gasheen Baal Madow oo Jariimo Qaran ah! Hadaba ka warama Sanad kadib, Soomaali saas bay idiin aragtay!

Keydmedia Online - Editorial Desk - http://www.keydmedia.net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top