Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 25 November 2012

Kismayo: Sharciyad Aan Awood Laheyn Iyo Awood Aan Sharciyad Heysan Miyaa Isku Haya?!!

By Warsame Gaabane - Beryahaan waa innagii wadney dood ku saabsan muranka Maamul u sameynta Jubbooyinka. Waa doodda ugu weyn oo Soomaalida dhex taalla Maanta. Bal aan isku deyno markaan inaan doodda u dhigno si yare cilmi ah oo leh meel laga qaban karo.

Teaser Image Kismayo: Sharciyad Aan Awood Laheyn Iyo Awood Aan Sharciyad Heysan Miyaa Isku Haya?!!

Haddaan si fiican uga fakarey arrintaas Kismaayo ka taagan waxey salka ku heysaa labada tiir oo Asaaska u ah wax kastoo maamul ah oo si hagaagsan u shaqeynaya.

Labadaas tiirna waxey kala yihiin:

 

  1. Sharciyad (legitimacy)
  2. Awood (force)

Sharciyadda iyo Awooddu waa labo tiir oo midkoodna uusan kan kale ka maarmin.

Sidaas darteed midkii kastoo labadooda ka mid ah wuxuu isku deyayaa inuu soo helo walaalkiisa kalee ka maqan.

Kismaayo waxaa ka jira hadda awood aan sharciyad laheyn

Hadda magaalada Kismaayo waxaa ka jira labadii tiir oon hore u soo sheegey mid ka mid ah waana tiirka ah awoodda. Waxaa kaloo jirta in dalku leeyahey sharciyad la wada aqoonsadey oo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kaliya oo diidey iney sharciyaddeeda aqoonsadaan waa Somaliland oo sheegatey iney tahey dowlad gooniya iyo Xarakada Al Shabaab oo Alqacida ku xiran. U hoggaansamid yeelkeede inta kale ee maamullo iyo ururro ee dalka ka jiraa way aqoonsadeen awoodda sharciyadeed ee Dowladda. Sidoo kale waxaa aqoonsadey sharciyaddaas qarammada midoobey iyo urur goboleedyada kale ee ay Soomaaliya xubinta ka tahey.

Laakiin waxaa xaqiiqo ah in dowladdaasi ay la,dahey tiir muhim ah oo ah ineysan ilaa hadda laheyn awood buuxda oo ay ku meel mariso sharciyaddeeda dalkoo dhan. Maadaama sidaasi jirtana waxaa soo baxey awoodo aan sharciyad heysan,laakiin muruqooda ku meel maraya oo dowladdii kula loollamaya awoodda, waxaana ka mid ah Jabhadda Raaskaambooni oo ilaa hadda aan laheyn sharciyad la ogyahey.

Awood aan sharciyad heysan oo ciddii sharciyadda laheyd u gacan dhaafeysa sharcigii!

Mararka qaar sawaxanka badan iyo qeylada dheer dadka waa lagu qaldi karaa qaar badan oo ka mid ah. Markaasna wixii qaladka ahaa sax waa loo ekeysiin karaa. Kumana sii jirtaba haddaad heysato xoog aad qaladkaaga ku meel mariso.

Dadka degaanka ayaa maamul goboleed ka kooban saddex gobol dhisanaya maxaa ka jira?

Dadka degaanka haddii laga wado Jabhadda Raaskaambooni iyo intey raalliga ka tahey oo ay awooddooda ku sharciyeysanayaan sidaas waa la oran karaa. Arrintaasna waxba ugama geddisnaaneyso beycadii Shabaabku dadka sida ijbaarigaa uga qaadi jireen iyo doorashooyinka been beentaa ee kaligi talisyadu sameeyaan.

Jabhadda meesha qabsatey haddey dad iyadu ay raalli ka tahey soo xulato ee intey la shirto ay sidaas maamul ku wada dhistaan sharciyad dhab ah sidaas kuma helayaan. Laakiin sharciyad dhab ah haddii la doonayo waxaa qasab noqoneysa in sharciyaddii dowladda ee la wada aqoonsadey in loo maro. Igadna sharciyad ma bixin karto laakiin Kenya awood ahaan way u taageeri kartaa awood sharci darraa.

Sharciyadda degaanka iyo tan dowladda dhexe way isku xiranyihiin!

Si dadka soomaaliyeed fahmayaan ayaan ugu dhigayaaye, waxaa awoodda dalka lagu qeybsadey shan beelood. Shantaas beeloodna sidey doonaan haba ugu kala badnaadeene way wada degaan Jubbooyinka.Shantaas beelood hal beel weyn oo ka mid ah dad ka tirsan oo iyaga nafsaddoodu aan sharciyad ansax ah ka heysan beeshooda ayaa wata maamulka Jubbooyinka. Afartii beelood oo soo harey way kasoo horjeedaan maamulka lala baal marayo dowladda soomaaliyeed ee sharciyadda iyo garabkaba looga raadinayo Kenya.

Inta ay u dhigmaan xagga tirada waa arrin dood ka taagantahey aanan jawaab sax ah laga bixin karin ilaa tiro koob rasmiya laga sameeyo dalka. Waxaase la hubaa ineysan aheyn dad la,aantood maamul sharciya laga dhisi karo Jubbooyinka. Lagama tashan karo,lagumana qasbi karo iney raacaan afar beelood waxa ay wadato hal beel oo ka mid ah shanta beelood. Waaqiciyan iyo sharciyanba ma suurtoobeyso taasi.

Haddaba afartaas beelood oo diiddan miyuu ansaxayaa maamul goboleedka Jubbaland,oo la,aantood sharci waa laga dhigi karaa?

Haddey jawaabta su,aashaasi tahey afartaas beelood loogama maarmo sameynta maamul sharci ku dhisan sidee loo soo heli karaa marka dad si sharci ah ku matala beelahaas haddii dowladdii sharciga aheyd laga tillaabsadey? Waxey taasi la mid tahey qof aan soo weyseysan oo dadka ku qasbaya iney salaadda ku xirtaan!

Adiga ayaaba awood bilaa sharciyada ahe oo in lagu sharciyeeyo u baahane sideed ku awooddaa inaad kusoo xusho dad matala bulshada? Xaggeedse u mareysaa?

Waxaa jira sharciyadda dowladda,xubnaha baarlamaanka oo beeluhu soo xusheen iyo odayaashii soo xuley xubnahaas. Is weydii bal aqristoow sida ay ku imaan karto sharciyad aan intaas middoodna aheyni iyo meesha ay ka imaan karto?

Hay'adihii sharciga ahaa ee qabaa,ilku waxey soo xuleen dowlad sharciya oo cid walbaa aqoonsatey. Arrimihii siyaasaddana waxey odayaashu ku wareejiyeen baarlamaankey soo xusheen iyo dowladdii baarlamaanku dhisey.

Afarta beelood xaalkooda muran kama taagna oo aragnaye, halka beel oo u muuqata iney ilaa xad dooneyso maamulkaasi walba iyada mallaga heystaa matalaad sharci ah oo sax ah mise waa kaar la iska marsanayo? Dhab ahaantii xataa halkaas beel lagama heysto sharciyad oo sharciyaddoodu waxey gacanta ugu jirtaa dowladda, baarlamaanka iyo odayaashii soo xuley ergada. Mana heyno iney intaasi intey shireen go,aan soo saareen oo ku yiraahdeen maamul ayaan dhisaneynaa saddexdaas gobol ka kooban.

Waxa dhan oo jiraa waa jabhad Raaskaambooni la yiraahdo oo meesha qabsatey iyo dad qabiil ahaan u taageeraya oo meelo badan kuna shiraya kana hadlaya. Haddey xataa dadka sida saxdaa beel weyntaas u matalaa go,aankaas u qaataan ayeysan kaligood ku filleyn iney hir geliyaan oo ku qasbanyihiin iney ula laabtaan afartii beelood oo kale oo gobolladaas wax ka degganaa. Ee maxaad u maleysaa haddaan xataa halkii beelna laga heyn wax matalaad sharciya. Waxa dhan oo shiraya oo showraya waa dad aniga iyo adigoo kalaa oo uu ku jiro damac siyaasadeed.

Iyo jabhad hubeysan oo la maqaam ah Ahlusunnada gobollada dhexe. Maxey ku nuugtaa maxeyse ka nuugtaa?

Sharciyad la,aantaas waxey albaabada u fureysaa fowdo iyo in dib la isku hubeeyo

Sharciyaddii sidaan soo caddeeyey waxey noqotey xoog. Markaas waxaa albaabada loo ballaqey in dadku raadsadaan sidey ku sameysan lahaayeen xoog ay xuquuqdooda iyo dheeraad ku helaan. Maxaa dadka kala hagaya haddii sharciyadda la dhinac maro oon ka aheyn xoog?

Halka beel oo dadka ku abtirsadaa ku doodayaan iney iyagu leeyihiin degaankaas ayaa xataa sharciyadda u baahan oo iyadu dhexdeeda ku kala badbaadeysa. Dowladdana dhab ahaantii waxa lagu cadaadinayo ma ahan iney sharciga ku dhaqantee waa iney u hoggaansato xoogga meesha qabsadey iyo hal beel dad ka tirsan oo taageersan jabhaddaas.

Federaalka iyo maamullada sharcigaa dadkii sameyn lahaa waa laga xigsadey oo xoog aan sharciyad heysan ayaa iskaga gudbey. Xooggaasna waa Jabhadda Raaskaambooni iyo ciidammada Kenya. Waa la xalaaleyn karaa Raaskaambooni iyo ciidammada Kenya xooggooda, waase haddey iyagu doonayaan in la xalaaleeyo.

Iyaguna in la xalaaleeyo ma doonayaane waxey doonayaan iney sharciga gacantooda ku qaataan oo iyagoon sharciyeysneyn ay iyagu wax u yeeriyaan dowladdii iyo dadkii degaankaba.

Ciidammada Kenyana waxey uga geddisanyihiin Uganda iyo Amisomta kale waa ciidanka kaliya ee awood aan sharciyad heysan gacanta u geliyey kuna waardiyeeya qeyb ka mid ah dalka. Haddey sidaas kusii socdaanna ama sharci darradooda ayaa u meel mari doonta ama xoog gar darraa oo dalka qabsadey ayaa inta loo aqoonsado sidii dalka looga saari karo xoog iyo xeelba loo adeegsan doonaa.

By Warsame Gaabane - .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top