Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Sunday 31 March 2013

Ma Ogtahay Dagaalka (...) Inay Bilaabeen Reer Puntland!? // Been Abuurka Ururka Sahal

Cali Sh. Maxamed (Keydmedia Online) - [Aqriso Qeybta Koowaad ee Qoraalka] & [Qeybta Labaad] Ma ogtahay: Maarso 1964 Jineraal Maxamed Abshir, Boliis ka kooban Harti kali ah inuu u xilsaaray laynta iyo barakicinta Habargidirta Galgaduud iyo Hiiraan. Boliiskaas waxaa horkacayey: Xersi Cismaan Keenadiid, Maxamuud Caagane, Maxamed Jaamac Kosafaare iyo Khaliif Baadiye.

Teaser Image Ma Ogtahay Dagaalka (...) Inay Bilaabeen Reer Puntland!? // Been Abuurka Ururka Sahal

24/03/1964, Dhusamareeb waxaa lagu diley 17 nin oo doonayey kaliya inay doorashadii maalintaas dhacaysay codkooda ka dhiibtaan.

Meydkii in la aaso waa la diiday, shacab tiro badan oo aan waxba galabsanna waa la xir-xiray, waxaase ugu xanuun badnaa nin iyo sodohdii oo wada qaawan in qol lagu xiray. Taliyihii falkaas geystay Khaliif Baadiye, naaneystiisii waxay isu beddeshay Khaliif Qaawiye. Dad layntii iyo qaawintii waa laga daray.

Reer miyigii waa la barakiciyey, xoolihii oo dhanna waa la xareeyey. 3,000 oo halaad ayaa Matabaan lagu xareeyey loona diiday biyo iyo baad. Maxamuud Caagane oo geel-dhacista loo xilsaaray ayaa xeradii geelu ku jirey yimid.

Nabaddoon Sheekhdoon Cismaan ayaa ku yiri Maxamuud Caagane war Alle ka cabso ee geela baarka iska cunay biyo iyo baad u ogolaw oo xoolaha ciqaabta ka daa. Maxamuud Caagane wuxuu yiri “Maanta anigaa Ilaahii Matabaan ah, geeluna xerada ayuu ku baqtinayaa”.

Toban Sano kadib Jabhadii lagu magacaabi jirey Daadcelis oo saldhigeedu ahaa Cabudwaaq duullaankii loo yiqiin Kibir-weerar waxay ku qaadeen beesha Cadaado, goobta lagu magacaabo God-dhurwaa 14/03/1983 waxay ku dileen 53 qof oo ay ku jireen Macallin dugsi iyo ardaydisii. 1964 iyo 1983 shacab ka qaxay Gobolka Galgaduud waxay baqa-cararkii ku tageen Adis Abab waxayna magangaleen cadowgii soo jireenka ahaa Xabashi.

Ma ogtahay: Xukuumadihii C/Rashiid & C/Risaaq in doorashada la musuqmaasuqi jirey oo kuraasta Baarlamaan la boobi jirey (Tusaale: Dhusamareeb & Kismaayo) Kacaankii Oktobar 1969 ka hor Gobolka Jubada Hoose waxaa ka talin jirtay koox shacabka kadeeda, shacabkana waxaa loo qeybiyey dabaqad sare oo dulmi ku nool ah iyo dabaqad hoose oo silic ku nool ah (Harti iyo Hariifo, iyo Daarood iyo Giirgiir).

Ganacsatada iyo shaqaalaha dowladu 95% waxay ahaayeen reer Puntland. Geel-jireyaal laga soo qoray Puntland ayaa canshuurta ka qaadi jirey suuqyada, waxyaabaha ay ku kici jireen waxaa ugu foolxumaa, haweenka caanaha keena tii dhaban qurxoon leh oo naaskeedu taagan yahay, waxaa laga qaadi jirey haruubka dhiisha, dabadeed waxaa haruubka la siin jirey nin reer Puntland, gabadhu markey casirkii ku laabaneyso gurigeedii miyiga waxaa lagu oran jirey haruubkaagii waxaa haya hebel ee ka doono, markey haruubka dhiisha soo doonatana waa la faraxumeyn jirey.

Kufsiga haweenka iyo xadgudubka waxaa billaabay reer Puntland. Rag waxaa ugu liita arki-jiray doon iyo abaal-laawe. Shirarka looga hadlo Jubbaland waa riyo maalmeed, maxaa yeelay dadkii la kadeedi jirey ee lagu naaneysay Hariifo iyo Giirgiir maanta waa hubeysan yihiin oo hurdadii waa ka tooseen, xataa Wardey iyo Cawramaleh cadkooda lama cuni karo. “Raggii beri la saanyaday miyaa seymo bahal yeeshay”.

Carabtu waxay tiraah “kulli dawiil lahaa daraf” Wax kasta Alle wuxuu u qadaray waqti ay dhammaadaan. Si jirtay siima jirto oo gacansareyntu waa meerto. Abaartii daba-dheer 1974 dadkii la dejiyey Shabeelaha Hoose, qaxootigii 77 dadkii la dejiyey Woqooyi Galbeed, Hiiraan, Shabeelaha Hoose & Luuq.

Abuuridii 18 gobol iyo magacaabistii 3 duq magaalo “mayor” Banaadir (Aburaas, Xasan Abshir Cabdullaahi Salaad) waxaa laga lahaa qorshe fog, waxaa la doonayey in caalamka laga dhaadhiciyo in Daarood “majority” yahay, mustaqbalkana gobol kasta xildhibaan Daarood ah kasoo galo Golaha Shacabka.

Riyadaasi waa beenowday waana qeyb ka mid ah cunsurka dagaallada sokeeye. Ayaandarro markale ayaa riyadii soo laba-kacleysay oo Garoowe laga soo hindisay “Halow Jubbaland, Puntland, Jigigalanad & Gaarisaland”. Sow ma muuqato dagaal sokeeye oo markale qarax si loo tumo saarka ka dhashay waallida iyo walaahowga qabyaalada iyo isla weynida ku dhisan.

Ma ogtahay: Kacaankii Oktobar 1969 ka hor, dalku wuxuu ka koobnaa 8 Gobol & 48 degmo. (40 degmo, DC & taliye saldhig Boliis waxaa ka ahaa saraakiil reer Puntland ah, Somaalida kale 8 degmo ayey DC & taliye saldhig kahaayeen). Sidoo kale 8 Gobol waxaa Barsaab ka ahaa 8 sarkaal oo xigto la ah C/Rashiid Cali Sharmaake.

Ma ogtahay: 1967 Jeneraal Maxamed Abshir inuu dallacsiiyey 71 sarkaal oo Boliis ah, 51 sarkaal waxay ahaayeen Daarood, 35 waxay kasii ahaayeen Majeerteen, xataa alifle Isaaq ah laguma darin raggii la dallacsiiyey, taasina waxay qeyb ka tahay gocashada Isaaq ku doonaayo goosashada maadaam la duudsiyey saamigii ay xaqa u lahaayeen. (Tixraac wargeyska Alyoom cadadkii 20aad ee soo baxay 07/09/1967) Qaranjabka iyo in qoys-qoys loo kala qaxo oo Soomaali tusbax go’ay noqoto sababteeda waxaa iska leh reer Puntland, bal dhowrkaan dhacdo si dhugmo leh ugu fiirso:

Ma ogtahay: Horraantii 1990kii Cali Aar Xasan Cabdulle oo ahaa reer Galmudug inuu Barasaab ka ahaa Gobolka Woqooyi Bari, waxaa digniin lagu yiri Hawiye ayaad tahaye iskaga bax Boosaaso ma xukumi kartid oo waxaad tahay reer hebel, digniintii markuu ka dhego adaygay, goor barqo ah ayaa xafiiska lagu toogtay.

Isla 1990kii Xasan Cabdi Mayle (reer Hiiraan) iyo Maxamed Odawaa Cigaal (reer Togdheer) oo Gobolka Nugaal ka ahaan jirey Barasaab iyo DC ayaa lagu yiri ka baxa Nugaal, kadibna kabo la’aan ayaa laga eryey Garoowe? Ma ogtahay 1984 shacab iyo shaqaale Habargidir iyo Xawaadle wixii joogay Gobolka Jubada hoose in laga sifeeyey, kadibna iyagoo maxaabiis ah lagu guray jeelka Xamar? Waxaa ka mid ahaa Guddomiyihii Maxkamada Gobolka Cabdiraxmaan Xaaji Ereg oo hadda ku nool Minnesota USA.

Ma ogtahay 1990kii Wasiirkii Arrimaha Gudaha inuu Gobolka Gedo Taar u diray kuna yiri ganacsatada Harbargidir ee Gobolka Gedo Meheradaha ganacsi ku leh hala soo raafo, kadib laga soo sifeeyey guud ahaan Gobolka Gedo. Ma ogtahay 1990kii shirkada Western Geophysical oo shidaal ka baareysay Gobolka Sool, shaqaale ay Xamar ka qoratay in loo diiday inay ka shaqeeyaan riigii ku yiil rugta Holhol, kadibna la raafay oo Xamar dib loogu celiyey.

Ma ogtahay: Maxamed Macallin Cagadhiig oo ahaa Ogaadeen Bah-Geri Taliyihii dooxatadii Daraawishiita aagga Hiiraan inuu Wabiga ku hafiyey dhowr boqol oo ka mid ahaa gaashaanqaadka reer Hiiraan. Ma ogtahay Qaxootigii 77 kasoo barakacay Somaali Galbeed ee la dejiyey Hiiraan in la hubeeyey lagana dhigay Maleeshiyo ka garab dirirta ciidanka dowlada. Waxaa kaloo laga dhaadhiciyey nawaaxiga Hiiraan inay leeyihiin oo awooweyaashood ay ku aasan yihiin, dhowr goobood oo ku yaal Galgaduud iyo Hiiraan ayaa lagu magacaabaa (Lafa Gumcadle, Makaahiil, ina-Med iwm). Iyadoo magacyadaas daliil ahaan loo cuskaday, Hiiraan waxaa lagu xudumay Ogaadeen. Qaxootigu iyagaa dagaal ka qeyb qaatay “Qofkii tiin tallaala, timir ma sugo”.

Ma ogtahay: Qaxootigii la dejiyey Woqooyi Galbeed in askar ahaan loo tababaray, si rasmi ahna loo dejiyey oo qaar ka mid ah xoolo nool loo iibiyey, warqadaha aqoonsiga ee teesaraha dowlada hoose Hargeysa la siiyey. Waxaa la qorsheeyey in la dhalanrogo qaab-deegaanka bulshada (demographic population).

Qaxootigu waxay si firfircoon safka hore uga galeen dagaalkii ka dhacay Woqooyi. Ma ogtahay Jineraal Ogaadeen ah oo Hargeysa joogay inuu qaxootiga ku guubaabiyey dagaalka wada ilaa la gaaro “Halkani waa Radio Hargeysa codka beelaha Absame”. Ma ogtahay shir ka dhacay madaxtooyada in beelaha Daarood isku raaceen in Daarood mideysan dagaal ku qaado Isaaq, walow sidii lagu ballamey aan qorshaha dagaalku u hirgelin.

Ma ogtahay Daarood dowlad sheeganaya inuu xasuuqay Isaaq. Ma ogtahay xasuuqii, barakicintii iyo burburkii ku dhacay Woqooyi inay hormood ka ahaayeen 12 sarkaal oo reer Puntland ah oo adeegsaday ficil qabyaalad cuskan iyo kala aarsi, waxaa taliye ka ahaa Jineraal Morgan. Ma ogtahay xukuumadii Siyaad Barre inay beertay arami iyo uurkutaal Somaali ka irdheeyey, qaxootigii la dejiyey Woqooyi Galbeed iyo Hiiraan lagu sagootiyey marti edeb-daran madfac bey mudan yihiin.

Ma ogtahay: Suugaan guubaabo ah oo Qabiil lagu kiciyo in reer Puntland billaabeen. Beryahaan waxaa aad loo buunbuuniyaa Magool baa tirisay heeso kicin ah oo nuxurkoodu ahaa in Daarood la laayo. Waa kutrikuteen oo codkii Magool lama hayo, waxaase duuban (gabayo iyo heeso iyo baraanburo) qaar Youtube ku jiraan, waxaa ka mid ah: Guri Kismaayo ku yaal oo Daarood ku shiray, baraanbur lagu aflagaadeeyey Hawiye, laguna guubaabiyey Daarood waxaa ka tirisay Xaalimo Soofe oo weliba ku andacootay inay ka mid ahayd halgameyaashii SYL.

Qof sheegtay horseedkii SYL inuu Dagaal sokeeye ka qeyb qaato, waxay la mid tahay “Haddii Masaajidkii qayladu ka yeertay xaggee loo baxsadaa”? 1982kii koox laga abaabulay madaxtooyada oo loogu waqlalay “Ergo Daarood” ayaa loo xilsaaray inay goobta lagu magacaabo Heylaan oo u dhaxaysa Ceerigaabo iyo Laasqoray ka dhisaan Taallo lagu magacaabay Qabrigii Daarood.

Sida runta ah lama yaqaan meel Daarood ku aasan yahay oo horaa loo yiri “qabri Daarood iyo qaraabo Hawiye midna hore looma arkin”. Kooxdii qabriga soo dhistay waxay ku shireen madaxtooyada, waxayna tiriyeen gabayo xanuun badan oo mahadho reebay. Afmaaladii gabyey waxaa ka mid ahaa (Aadan Axmed Toosi Luquntaada oo u dhashay beesha Dhulbahante, kuna maansooday:

Hawiye daartii Hobyo ma iloobin iyo daqaradeediiye,
Waxaa Irir haatan loo dundumay waa dakano dheere,
Yaa Daarood Cismaaciil aheey durugtay ceebtiiye.
Dudubliyo kulay riibi ku tahay lay dardaarweriye,
Tuni bey daandaansatiyo Begedi duurjoog ah,
Yaa Daarood Cismaaciil aheey durugtay ceebtiiye.

Afmaal Majeerteen ah oo aanan magaciisa xusuusan ayaa ku xigsaday wuxuuna yiri:

Malkadii Caabuwaaq waxaa ka fulay Geelii Moorifley
Magac ba’aye mataanihii Daarood miyaa midiba meel aaday.

WAA CAJIIB. Iyadoo dalka dowladi ay ka jirto ayaa madaxtooyada sidaas looga gabyey ee waa maxay sababta been abuurka loola daba taagan yahay Magool? Mise dadka cabanaya ee calaacalaya afkooda iyo dhegahoodu isma maqlaan?

Ma ogtahay: 14/07/1989kii ilaa 26/01/1991 dagaalkii Xamar ku dhexmaray Maleeshiyada USC iyo ciidankii dowlada, dagaalka oo ka dhaxeeya mucaarad iyo dowlad, Maleeshiyo Majeerteen ah oo ka faltameysay aagga Staadiyo Muqdisho iyo Maleeshiyo Dhulbahante ah oo ka diriraysay aagga Taleex inay dagaalkii weji qabiil u rogeen oo dadkii ay qabteen ay ku dhaheen “yaad tahay”. Ma ogtahay in Daarood ku dagaallamay nooc kastoo hubka ka mid ah sida: (taangi, BM, madfac, diyaarad iwm), Hawiyena ku dagaallamay (AK47 & RPG7) isla markaana goobta dagaalku ka dhacay ay ahayd xudunta Hawiye, sidaas daraadeed khasaaruhu u badnaa dhanka Hawiyaha, qiyaastii 70% iyo 30%.

Ma ogtahay: 1990kii Taliyihii XDS Jineraal Moorgan inuu mas’uul ka ahaa xasuuqii iyo barakicintii ku dhacday beesha Galgalo. Moorgan wuxuu hubeeyey koox Galgalo ah oo lagu barxay koox Majeerteen yaryar ah, waxaa amar lagu siiyey inay ciqaab iyo cunaqabateyn saaraan deegaanka Abgaal oo wado kasta laga xiro, markii ceelashii biyaha iyo wadooyinkii laga xiray, waxaa loo raaciyey bililiqeysi iyo kufsi laga simay haweenkii gabadh iyo gambooleey dabadeed nin Galgalo ah ayaa ku shirbay “Gaadiidku ha kuu gudbee, u galliin Geeda Qorow.

Gus Galgalaa kugu socdee, ha ku galee garaarka goy”. Maxaase ka dambeeyey. Ma ogtahay kumanyaalkii macaluusha ugu dhintay Bay & Bakool in sababta mas’uuliyada Daarood lahaa. Abrile 1991 ilaa Abrile 1992 Jabhada SNF oo xoog ku haysatay Bay iyo Bakool, shacabka Digil & Mirifle wixii xabbad lagu diley mooyee intii kale gaajo ayey u dhinteen, maxaa yeelay waxaa laga dhacay hantidii mood iyo noolba. Mar labaad ciidankii USC/SNA oo 24/04/1992 ka kicisay SNF Bay iyo Bakool waxay boobeen macaawinadii hay’adaha samafalku u keeneen shacabka Digil & Mirifle, taasina qeyb bey ka ahayd macaluushii asiibtay Bay iyo Bakool.

Ma ogtahay: Diyaarad siday Somaali laga soo tarxiilay Sucuudi Carabiya markey kasoo degtay garoonka Garoowe intii reer koofurka ahayd in loo diiday inay diyaarada kasoo degaan oo cagaha dhigaan ciidda Puntland, amarkaas waxaa bixiyey Cadde Muuse oo Xamar ku dhashay.

Ma ogtahay: Shaqsigii ugu horeeyey ee Gumeysigii Talyaaniga dalka soo geliyey, hub & hantina ka qaatay inuu ahaa Yuusuf Cali Keenadiid. Shaqsigii labaadna ahaa Cabdullaahi Yuusuf oo suurtageliyey in Taangiyada Tigreegu ay naf iyo maalba burburiyaan Koofurta Somaaliya, gaar ahaan Gobolka Banaadir. Ma ogtahay guuldaradii dagaalkii 77 inay shirqoolkiisa maleegeen saraakiil reer Puntland ah oo Cabdullaahi Yuusuf arrintaas meel fagaare ah kaga tookhay. In maanta dad ku hantaataco Cabdullahi Yuusuf waa geesi qaran, sida Cabdullaahi Yuusuf oo kale geesi wadnahiisa iyo xiniinyihiisu isi saaraan yihiin oo noo aara ayaa Daarood u baahaan yahay, isla markaana Jineraal M.F.Caydiid & Maxamed Qanyare waa dembileyaal mudan in la horkeeno Maxkamda Heeg, carada ay abuuri karaan ma laga fiirsaday?

Ma ogtahay: Belo kastoo Somaali beerka ka asiibtay waxaa laga unkay Mandaqada Puntland “kulli fidna cinda geel”. Ma ogtahay Somaali qabyaalada ka xuubsiibatay oo ku midowday halgankii SYL dadaalna ugu jirta mideynta shanta Somaaliyeed, in reer Puntland ku wacadfureen hadafkii SYL oo ay 22/07/1958 furteen Xisbigii SDU, munaasabadii furitaanka afmaal la oran jirey Cali Cilmi Afyare ayaa ka gabyey wuxuuna yiri “Habargidir hakuu taliso iyo
Murusadoo tuuga iyo tima-qurmoonow Abgaal iyo toban hal Hiiraan ah. Tolla’ayey tacadi weeyaane, maxaan gabayga teelteeliyaa waaba teec dhigaye”

Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya maanta waxa Somaaliya ku haya waa qarawga iyo riyo maalmeedka lagu doonayo Jubbaland oo “buffer zone” u noqota Kenya iyo Puntland oo “buffer zone” u noqota Itoobiya.

Dadka maanta ku faraxsan gumeysiga ee aaminsan inay ka helayaan gurmad iyo gaashaan, hubaal guuldarro iyo shalaay bey ku dambeyn. Nin baa ku shirbay “Abeeso Ibliis aroostayoo uunsi loo shidaan arkaa”. Sh. Xasaan Xuseen (Ogaadeen) oo jeediyey muxaadaro ku saabsan “xukunka qofka Gaalada dhulka Muslimiinta lagu soo hoggaamiyo” wuxuu tibaaxay beelaha Daarood inay dalka Gaalo kusoo hoggaamiyeen ayna gacal u noqdeen, gargaarka iyo gurmadna weydiistaan. Somaalida kalena wax eed ah aysan ku lahayn, links-ka cirifka hoose daawo.

Ma ogtahay: Xasuuqii ugu xumaa ee abed ka dhaca Somaaliya inay geysteen maleeshiyada Dhafoorqiiq oo kaashanaya ciidanka Xabashida. Ma ogtahay labadaas kooxood inay dileen dad lagu qiyaasay Nus Malyan, hal malyan oo kalena barakiciyeen isla markaana magaalada Xamar guryihii ka dhisnaa nus la dumiyey oo dhulka lala simay. Ciil kama baxe weligi waa cadaaban yahay, dadna waxaa ugu doqonsan ninka aan ogeyn wuxuu geystay ee gocanaya oo keliya wixii loo geystay. Hadaad ku aarsateen muruqa Itoobiya iyo maalka Mareykanka, weli ma ciilqabtaan?

Doonyaha Boosaaso ee ay ku qoran tahay “dadow dollar keen doonta raac aan kusoo dilee” hadaad bad-cas ku hafiseen kumanyaal qof oo reer koofur ah oo aan SAHAL ku abtirsan, weli ma ciilqabtaan? Goormaad ciil baxeysaan? Ma ilaa buunka qiyaame la afuufaad ciilka iyo calool-xumada ku jireysaan? Nin kasoo dhoofay Somaaliya 1961 oo East Afrika degay ayaa ku habsaamey qaad-raamsi. 1991 wuxuu arkay dad kasoo firxaday dagaalladii, dabadeed wuxuu yiri “Madaxweyne Aadan Cadde wadaad wanaagsan buu ahaaye muxuu dad u qaxinayaa”. Ma sida ninkaas ayaad hurdo dheer gasheen oo waxaad ku riyooneysaan “mar haddaanan gaariga wadeyn geyrba gelimaayo”

Ma ogtahay: Dagaalkii Mudug ka dhacay inay bilaabeen reer Puntland Tusaale: Aas-aaskii SSDF kadib, goortii Cumar Maxamuud lagu suntay magaca Mahbar, Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xiligaas ayaa Gaalkacyo kula shiray beelaha Mudug oo laga reebay Cumar Maxamuud, wuxuu yiri hadal taariikhda baal- madow ka galay, hadalkii wasiirka waxaa ka mid ahaa “waa idiin bannaan tahay naf iyo maalba, inaad dishaan oo dhacdaan oo naagahooda meher la’aan guursataan Cumar Maxamuud”.

Caaqilkii Sacad Jaamac Seed wuxuu yiri “nooma bannaana, waa Muslim, waa Somaali, waa deris, waa xigto iyo xidid”. Inta badan beelihii Mudug waa fuliyeen baaqii wasiirka balse Sacad, wixii Cumar Maxamuud ahaa naf iyo maalba waa badbaadiyey. Dhowr sano markii dagaalkii SSDF socday, Sacad mooyee beelaha kalena godob ka galeen Cumar Maxamuud, arrintaas waxaa ka marqaati kacay caaqilkii jufada Reer Cali Maxamed nabaddoon Axmed Gurey oo meel fagaare ah ka yiri “Sacadoow wax foolxun ayaa Cumar Maxamuud idinku abaalgudi doonaa ee maanta wax ka laaya sida beelaha kale”. Siduu saadaaliyey ayaa dhacday.

Ma ogtahay: 1989kii Sacad oo ah warmoog aan beerba laf ka filan in saraakiil reer Puntland ah oo Madaxtooyada Xamar laga abaabulay weererka ku qaadeen Sacad iska hurda. Taliyihii Gaaska 54aad XDS ee saldhigiisu ahaa Garoowe ayaa dagaalkii Sacad lagu qaaday taliye ka ahaa. 17/11/1989 ciidan ka kooban (milateri & dhafoorqiiq) 61 nin oo ahaa odayaal iyo ganacsato magac leh inay ku dileen tuulooyinka Hilmo iyo Docol. Xasuuqa iyo bililiqeysiga hantida waxaa loo raaciyey gabayo aflagaado ah “Hawiye daba madoobe idinkoon diririn bari ma u dareerteen iyo Hawiye baqayoo baduu dhaafaye Alla baroon ma ku baadigoobnaa”.

Haweenkii Sacad ee deegaan kusii haray markey suuqa Gaalkacyo caano keenaan waxaa laysugu daray kufsi, caanihii oo laga dhamay iyo aflagaado foolxun, waxaa lagu yiri erayo anshaxa ku xun, balse markaan si asluub leh u sarbeebo waxaa ka mid ahaa “Cambar & Calaf isku wado”. Sacad la bahdiley oo nindoorkisii la laayey, hantidisii la dhacay, haweenkiisii la kufsaday, ayaa weerar rogaalcelin ah ku qaaday Gaalkacyo, 26/02/1991 waxay ku dileen 70 nin oo lagu sheegay maqaawirta Majeerteen. “Ninba waa mare, mus-ma-kula koray”. Kooxaha beryahaan garaacaya durbaanka colaada, marka hore ha xisaabtameen oo hays barbardhigaan wixii dhibaato loo geystay iyo wixii dhibaato ay geysteen, kadibna hasoo gole fariisteen oo ha-gashi baxeen.

Qoraalka waxaan ku afmeerayaa fariin ku socota Xasan Karatee oo ah abaabulaha xuska xasuuqii 91 iyo Cabdiwahaab Xaaji Xuseen oo la dhashay RW hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Xasanow waxaa laguu yiqiin saxafi hufan oo si firfircoon uga qeyb qaatay halgankii Itoobiya lala galay. Inta aadan Youtube-ka gelin barnaamijka sow ma habooneyn inaad tifaftirto “editing” oo aad ka saarto erayada aflagaadada ah sida “geesi xiniinyihiisa iyo wadnahiisa isi saaran yihiin.

Cabdiweli Harvard University ayuu kasoo qalin jebiyey, Saacidna Kulliyada Lafoole iyo doqon ciirta ruxa, waan goosaneynaa iwm”. Waa ayaandarro weyn, Xasanow waxaad toosisay fidno huruday oo layska iloobey, barnaamika Xuska Xasuuqii 91, wuxuu horseedayaa: (in Isaaq xuso xasuuqii 1988-90 saraakiisha Daarood u geysteen, in Hawiye xuso gumaadkii Cabdullaahi ka fuliyey Gobolka Banaadir 2007/9 ee loo adeegsaday Maleeshiyada Dhafoorqiiq iyo Ciidanka Itoobiya, in Raxanweyn xuso xasuuqii iyo boobkii SNF ay ka geysteen dhulka Digil iyo Mirifle, in Banaadiri xusto hantidii laga bililiqeystay, in Jareer xuso dhulkii jiinka wabiyada ee laga xoogay, in Gabooyuhu xusaan bahdilka iyo darxumada taal xaafadda Daami ee Hargeysa). Xusku waa isdaba-joog. Fidno madax la qabtey leedahay ee majo la qabto maleh”. Sanadihii (2007/9) ee dagaalku ka socday Banaadir waxaa la sheegay Maleeshiyada Dhafoorqiiq inay ku heesayeen “burburka Banaadir waa baraaraha Puntland”.

Sidoo kale Cabdullaahi Yuusuf waxaa laga soo xigtay inuu ku tooqay “Tekniko waxaan Bakaaraha u diray iyo tuugo la hubeeyey, in tolweynaha Hawiye sii taajirey tii aan rabay maaha. Tigree haddaan keenay iyo toban kunoo qaawan, Hawiyena Utaango uusan tegin tii aan rabay maaha” Jabkii dagaalkii 77 ilaa maanta Somaaliya waxaa ka socda xasuuq, barakicin shacab iyo burbur hanti, waxaan ku xusisinayaa shan todobaatan.

10/02/1991 dugsiga saree Maxamud Axmed Cali ee degmada Kaaraan waxaa lagu xasuuqay 70 nin oo Galgalo ah. 26/02/1991 Gaalkacyo waxaa lagu xasuuqay 70 oday. 12/09/1992 xarunta ADC Xamar waxaa lagu xasuuqay 70 nin. 12/07/1993 guriga Cabdi Qeybdiid UNOSOM waxay ku xasuuqday 73 qof (rag iyo dumar). 04/10/2011 Hargaha iyo Saamaha waxaa lagu xasuuqay 70 qof oo arday u badan. Xasanow sow ma habooneyn in la wada xuso xasuuqyadii dhacay oo dhan?

Waxaad carrabka ku adkeysay 70kii Gaalkacyo iyo 70kii Kaaraan, inta kalena sooma aadan hadal-qaadin, gartay 70ka Gaalkacyo waa Kablalax, sababta aad 70ka Kaaraan u xustay ma waxaad aamintay magaca Nuux Maxamuud Suleymaan iyo sheeko baraleyda la allifay 1990-yadii? Xasanow xoolaha ayaa la sidkaa ee dadka lama sidko. Somaalidu waxay tiraahdaa “dhalasho iyo dhega geelna meeshooda ma dhaafaan”. Xasanow xusuuso gabaygii awoowgaa Sayid Maxamed ee ahaa “ixsaan lagama tago maandhow eed hadaad faliye”.

Abtigey Cabdiwahaab Xaaji Xuseen wuxuu ku celceliyey waan goosaneynaa. Laba nin ayaa safar dheer galay, habeen saqdhexe ayaa la daalay oo awrtii heeryadii laga rogay si loo nasto waxna loo cuno. Nin wuxuu qabay marwo gob ah mirihii jannada, waxay jiscin/sahay uga soo dhigtay “oodkac” nina wuxuu qabay habaar qabto aan hoygeeda la seexan, waxay jiscin/sahay uga soo dhigtay “salool”. Ninkii jiscinkiisu ahaa oodkaca ayaa kii kale ku yiri “war aan
isku darsano sahayda” ayaandarro ninkii saloolka watay ayaa yiri “ninba sahaydiisa ha cuno”. Ninkii oodkaca watay ayaa yiri “ninba wax la hullaaban ee jiscinkaaga Alle haku barakeeyo”. Somaalidu wadajir iyo is weecaansi bey ku wanaagsan tahay.

Somaaliyey yaan la hirgelin oo si adag halloo horjoogsado hindisihii iyo hal-abuurkii “RW Miles Zenawi” hindisahaas oo yoolkiisu ahaa “Building blocks & Lixland = Somaliland, Puntland, Midland, Bayland & Jubbaland”.

Somaalidu waa isu baahan tahay oo midnimada ayey ku wanaagsan tahay, laakiin haddii qolo is mahadiso oo ku hamiso goosasho waa laga maarmaa oo hanqaraarac lug uma hitiyo. Wax kastoo koonka ka dhacay waxay leeyihiin dhib iyo dheef isbarkan, dhan kasta miisaanku ha u batee. Qaranjabka Somaaliya ku dhacay 80% waa khasaaro ballaaran laakiin 20% waa faa’iido iyo wanaag.

Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo Majeerteen ku doodaya gooni-u-goosi iyo Federaal oo aan rabin xaq ummad kale. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo guryihii qarni ka hor Sayid Maxamed ka dhisay Taleex Dhulbahante dayactiraya oo dhaqaale ahaan ku tiirsan NGO-ga Gurmad ee Saado Cali Warsame. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo Ogaadeen beero ka falanaya Godey iyo Qoraxay oo aan hortaagneyn Jubba & Curuba iyagoo Laaji ah. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo haddii magacii eedda lagu galay ee ummadda lagu kadeeday lagu beddelay SAHAL. Allow SAHAL hantidiisa deeqsii, maankiisana ka saar hanqaltaagga iyo sedbursi doonka iyo is ballaarinta aan joogsiga lahayn.

Ugu dambeystii waxaan ku duceynayaa Somaali waa walaalo aan kala maarmine, Allow kor isugu gey ama hoose isugu keen. Nin la oran jirey Xaaji Axmed oo ganacsi ku lahaa Yaman iyo Somaaliya ayaa 1950-yadii fooq dheer ka dhistay bartamaha Xamar. Qadadii kadib Xaaji Axmed oo dabaqa sare hurda, waxaa albaabka soo garaacay rag bayhoof ah oo ka yimid miyiga oo Xaajiga ilma-adeer la ah. Ilaaliyihii wuxuu ku yiri “Xaajigu nasiino ayuu ku jiraaye markale soo laabta”. Raggii miyiga ka yimid waxay waardiyihii ka codsadeen inuu Xaajiga toosiyo.

Wardiyihii oo ahaa Banaadiri aan ragga yimid aqoon wuxuu yiri “Xaajiga lama toosin karo oo wuxuu ku jiraa “dormire & riposare”. Oday raggii ka mid ah oo erayada af Talyaaniga ah ka carooday ayaa sacabada doogtay, wuxuuna yiri “tol baan-nahoo kalama maaranee, Allow ama kor isugu kaanna gee ama hoos isugu kaanna keen”. Ducadii odayga Alle waa aqbalay oo hantidii Xaaji Axmed waa dhaaftay oo hoos baa tolkii isugu yimid.

Sheeko taas la mid ah ayaa Somaaliya ka jirta. 1960-yadii goortii la helay gobanimada, habdhaqanka iyo heerka garashada beeluhu waa kala taganaa, waxayna kala ahaayeen qolo qabyaaladda ku xeeldheer iyo qolo aan beydba ka aqoon. Si garaadka bulshada loo simo, Alle haka abaalmariyee macallimiin u dhalatay Puntland ayaa berrin kastoo udub aqal Somaaliyeed ka mudan yahay ka furay dugsi hoose ilaa jaamacad-Phd looga barto qabyaalada iyo qaranjabka. 53 sano kadib Isaaq iyo Dir Woqooyi waxay ka qalin jebiyeen Bachelor, waxayna u gudbeen Master.

Habargidir, Surre Dir, Xawaadle iyo Murusade waxay dhameeyeen dugsiga sare, waxayna u gudbeen jaamacada heerka bilaawga Bachelor. Abgaal, Sheekhaal iyo Gugundhabe waxay dhameeyeen dugsiga dhexe, waxayna u gudbeen dugsiga sare. Digil-Mirifle iyo Biyomaal waxay dhameeyeen dugsiga hoose waxayna u gudbeen dugsiga dhexe.

Banaadiri iyo Jareer weli waxay ku jiraan dugsiga hoose. Anigoo soo xiganaya ducadii odayga, waxaan leeyahay Allow Somaali kalama maarantee kor isugu gey oo sida Majeerteen qabyaalada quluubtooda ku beer ama hoos isugu keen oo sida Banaadirga qabyaalada quluubtooda ka sifee.

AAMIIN YAA RABBI

Cali Sh. Maxamed - .(JavaScript must be enabled to view this email address)
Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top