Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 13 February 2014

Maalinta “Valentine’s Day” Maxay tahay? & Diinta Islaamku ma ogoshahay Maalintaas?

Keydmedia Online - Maxaad ka taqaan maalinta Jaceylka Aduunka? Diinta Islaamkuse ma ogoshahay Maalinta in la weyneeyo oo loo dabaal dago? Waxaa naxdin ah in maalinta taarikhdu tahay 14 February oo ku beegan Maalinta Jimcaha ah ay dad Muslimiin ah ay xusayaan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!.

Teaser Image Maalinta “Valentine’s Day” Maxay tahay? & Diinta Islaamku ma ogoshahay Maalintaas?

Waxaan galaynaa meel walba oo ay gaaladu galaan waxaana samaynaynaa wax walba oo ay gaaladu sameeyaan, xataa waxaan la galnay cibaadadoodii iyo xusaskoodii ay ku waynaynayeen dad ama wax ay caabudi jireen.

Hadaba waxaa loo baahan yahay in aan iska fiirino oo aan wax aqrino, waa inaan ogaanaa waxa aan sameyneyno waa maxay? diintu maxay ka leedahay? yaana noo keenay?.

Qoraalkaan waxaan ku sharixi doonaa waxa uu yahay Valentine's & halku kaso bilowday & diintu waxa ay ka qabto.

Asalka Valentine's Day ama maalinta jacaylka aduunka Maxay tahay?

Marwalba oo ay taariikhdu ku beegantahay 14 February waxa dunida gaalada looga dabaal dagaa maalin loogu magac daray St. Valentine (Valentine's Day) ama Maalinta Jacaylka, laakin waxaa iswaydiin mudan waa kuma ninkaasi? Maxaana loogu dabaaldagaa maalintaas & magiciisa Valentine maxaa keenay?

Valentine's Day ama Maalinta Jacaylka waa xasuus ama xus la xuso Christian (Kirishtan) iyo Roman –kii hore. Marka aan isweydiinno kumuu ahaa Saint Valentine, muxuuna ugu xiran yahay xuskaas diimeed?

Maalintaas waxay bilaabatay xilligii boqortooyada Roman ka. Romain kii hore, 14th Ferbruary waxay u ahayd maalin ay weyneeyaan Juno. Juno waxay ahayd boqorad kamid ah Ilaahyada Romanka. Romans ka waxay kaloo u aqoonsanaayeen Juno ilaaha haweenka & guurka, maalinta ku xigta oo ah 15th Feb, waxaa bilowda xuska Lupercalia oo isna ahaa wax ay caabudi jireen.

Taariikhda Valentine's Day

Nolosha wiilasha & gabdhaha waa ay kala fogayd xilligaas, wax yar ka hor u dabaal dagida Lupercalia magacyada gabdhaha Roman ka waxaa lagu qori jiray warqado isla markaana waxaa lagu dhajin jiray sabuurad, wiilasha dhalinyarada ah waxay ka dooranaayaan gabadha ay rabaan waxayna haysanayaan inta uu socdo dabaaldagaas, markaas kadib ayaa laga yaabaa inay ilmo ka dhex dhashaan oo ay kadib is jeclaadaan ama is guursadaan.

Maamulka boqortooyadii la oran jiray Emperor Claudius II Rome wuxuu gali jiray dagaallo dhiig badan uu ku daato. Boqor ka Claudius wuxuu ku dhibanaa in uu helo askar si uu u xoojiyo milatarigiisa iyo dagaalada uu galayo, wuxuu rumaysnaa in aynan raga Romans ka aynan rabin inay ka tagaan jeceelkooda & qoysaskooda, boqorkii Claudius wuxuu ka joojiyay boqortooyadii Rome guurkii oo dhan wuuxuna mamnuucay in la isguursado si ninku unaan u yeelan qof uu ku xirnaado.

Valentine xiligaas wuxu ahaa wasiir dhinaca kaniisadaha & diinta kana tirsanaa dowladii Claudius II. Isaga iyo Saint Marius waxay taageereen dhibanayaashii Christian (Kirishtanka) ahaa oo loo diiday guurka, dhowr qofna si qarsoodi ah ayay isugu dareen,  arintaas daradeed Saint Valentine waa laqabtay waa la xiray waana la garaacayay ilaa uu ka dhinto.

14th February ayaa waxaa dhintay Saint Valentine, sanadkiisii 270. Taariiqdaas Rome waxay ka noqotay mid khaas ah oo la xuso sanad walba bisha February (Lupercalis), waana la faafiyay ayadoo lagu waynaynayo waxa ay ku sheegaan ilaaha Lupercalis.

Madahibta Protestan (Protestant Christian Church) ka ee Rome waxay iyadana dooratay ama aqoonsatay Saint Valentine's Day (Maalinta Jacaylka Aduunka) in la dabaaldago sanad walba 14th February.

Diinta Islaamka iyo xusaska ceynkan ah ?

Nebiga SCW ma qirin caadooyinka gaalada iyo wixii la caabudi jiray xilligii jaahiliyada. Anas RC waxaa laga weriyay in Nebiga uu yimid magaalada Madiina oo ay dadku leeyihiin 2 maalmood oo ay ciyaaraan. Wuxuu yiri maxay yihiin maalmahaan? Dadkii waxay ugu jawaabeen: waa maalmo aan ciyaari jirnay xilligii jaahiliyadda.

Nebiga SCW wuxuu yiri: Allaah wuxuu idinkugu beddelay 2 maalmood oo ka kheyr badan oo kala ah labada ciidood ee Carafada iyo ciidda Soon-fur.

Sacdia Mohamed Nor - .(JavaScript must be enabled to view this email address) - Keydmedia.net

Qoraalkaan wuxuu Bogga KON kusoo baxay 13.02.2013


Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top