Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Saturday 9 July 2011

Prof. Cabdiweli Maxaa u Wehliya Aqoontiisa?? Qeybta 3-aad by Dr. Ali A. Hirabe

Dr. Ali.A.Hirabe - Sheekh Shariif Waa in la xiro oo la soo taago maxkamad, sabbabta oo ah waxaa uu dilay in ka badan 3000 Somali...

Teaser Image Prof. Cabdiweli Maxaa u Wehliya Aqoontiisa?? Qeybta 3-aad by Dr. Ali A. Hirabe

Waxaane moodaa in uu r/wasaaraha sheekh Shariif soo doortay Cabdiweli in uusan marna soo hadal qaadin gumaadkii Xabashiga u geeysatay shacabka degenaa Xamar iyo gobolada koonfureed xaqiiqdii waa double moral iyo qabyaalada in uu ku fogaaday,asaga oo aanan kala garan meesha xaqa ku jirto ee mudan in loo hiiliyo.

/wasaaraha cusubi Cabdiwali dadka aqoonta dheerka u leh ayaa ku sheega in uu yahay shaqsi wajiyo badan leh isagoo aadna u aaminsan fikradaha qabyaalada ku saleysan, waxaana xiligii uu C/llahi Yusuf madaxweynaha ahaa uu daabici jiray qoraalo uu aad ugu difaacayo dowladaas isagoo aad ulla  shaqeeyn jiray dowlada USA laamaheeda sirta iyo la taliyahii C/aahi Yusuf Al Azhari oo ahaa xigto aad ugu dhaw Col.C/llahi Yusuf.

Joornaal ka soo baxa dalka Mareykanka oo aad wax uga qora kooxaha islaamiyiinta gaar ahaa kuwa lagu sheego argagaxisada caalamka, Joornaalkan oo lagu magacaabo (The Long War Journal).

C/wali oo xiliga wareysigan la'layeeshay ayaa wareysigiisaas ku sheegay in xiligaasi la soo xirxiro madaxdii Midowga Maxkamadaha waxaana uu sheegay in Sheekh Shariif oo xiligaasi Madax u ahaa in uu yahay nin aanan la jecleyn dadka qunyar socodka ah waana in la soo xiraa ayuu yiri isagoo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray safiirkii Mareykanka oo ku sheegay Shariif in uu yahay nin qunyar socod ah. WUXUU YIRI  C/WALI ENGLISH:  Ferbruary 2007

I am outraged of the behavior of [the U.S. Ambassador] to Kenya. More than 3000 Somalis died because of Sheikh Sharif and ICU," said Ali Abdiweli, a professor at Niagra University who is in contact with the Somali government. "[Sharif] should be put on trial. Here we go again saying that he is moderate.... This is nonsense and there is no way that Sheikh Sharif will accept any secular government. Actually, the behavior of the Ambassador will encourage the remnants of the Islamic Courts."

http://www.longwarjournal.org/archives/2007/02/somalias_islamist_co.php 

Abdiweli Ali, an adviser to the Transitional Federal Government, indicated to us that this is in the works. "There is another element in this offensive that a civilian and security administration will quickly be established in all the liberated areas," said Dr. Abdiweli Ali. Somalia has been at war since 1991, and this will be a difficult task, particularly with the ICU laying the groundwork for insurgency operations.

Akhristow ka aqri xaqiiqda jirta : http://www.longwarjournal.org/archives/2006/12/islamic_courts_in_re.php

Cabdiwali ayaa sidoo kale isla joornaalkan wareysi aay la yeelatay 2006-dii waxaa uu ka hadlay halka ay ku sugnaayeen qaar ka mida hogaamiyeyaashii Maxkamadaha aya yiri Sh.Xasan Daahir Aweys, Ceyrow iyo Indhacade in ay ku dhuumaaleysanayaan Dhuusamareeb ku waas oo uu yiri waxaa ay kasoo jeedaan qabiilka Ceyr Habargidir, Cabdiwali ayaa sidoo kale sheegay in Sheekh Shariif oo u dhashay Qabiilka Abgaal ayaan tagi karin meesha uu ku dhashay sababtoo ah ayuu yiri waxaa halkaasi gacanta ku hayo Maxamed Dheere oo ay qaraabo yihiin balse waxaa uu shariif ku suganyahay ayuu yiri Muqdisho ama meelo kamida Koonfurta Soomaaliya.  AQRISO WARKAN OO ENGLISH KU QORAN

We asked Abdiweli Ali, a professor at Niagra University who is in contact with the Somali government, about the possible whereabouts of the senior leadership of the Islamic Courts. "Aweys, Ayrow, and Indha'adde belong to Ayr sub-clan of Habargedir clan. They hail from Dusa-mareb in central Somalia. However, they can't hide there. If they are in Somalia, they are either on the run in Southern Somalia or in Mogadishu where they have a lot of supporters. Sharif hails from Abgal Clan. He is from Jowhar, but his arch-enemy cousin Mohamed Dhere is in charge of Jowhar. Therefore, he couldn't be there for sure. He is either in Mogadishu or somewhere in the south."

 
Read more:
http://www.longwarjournal.org/archives/2007/01/hunting_on_the_kenya.php#ixzz1PrPeYdJf.

Hadaba C/wali markii uu xilgaasi dhaliisha nuucaas ah u soo jeedshay Madaxweyne Shariif  tolow ma waxbaa iska badalay haatan mise fikirkaasi weli waa uu aaminsanyahay,side nin noocaas ahi  loogu magacaabi karaa xilka r/waasre Somali,sabbabta oo ah ma noqon karo nin u dhaxeeya Somali balse waa nin aay ku qufulan tahay in isir-naceeyb iyo u hiilinta danaha qabiilka lagula soo heshiiyay Amxaaro in dalka lagu qabsado, C/wali weli lama hayo meel uu ku cadeeyay in uusan fikirkaasi aaminsaneyn. waxaan ku soo gaba gabeeynayaa: Somali cid dan u haysaa ma jirto balse cid-walbaa waxaa aay jeceshay in dhiiga reer koonfur uu sii socdo weligiisna uu joogsan,inta danaha Somaliland iyo Puntland laga shaqeeynayo ilma aha in aay soo dhawdahay Qaranimo Somali,waxaan leeyahay gabagabdii in R/Wasaarah cusubi aqoontiisa aay u wehliso dano qabiil oo gaar ah ( Puntland ).weli waxaa socda baarid,waxaana ka qeetbqaata aqoon yahayno faro badan oo jooga USA,Eu and Africa. 

Dr.Ali.A.Hirabe  .(JavaScript must be enabled to view this email address) 


Qeybtii Labaad

Dr. Ali.A.Hirabe - Ethiopia cid ka horimaankartaa ma jirto,ama waranle ama wadaad ahooda Ethiopia ma kala jecla C/aahi Yusuf iyo Sh.Shariif .Ethiopia ma jeclo in aay dhalato dowlad adag oo awood leh Somali ka dhalato, sidii dowladihii hore, waxaa aay rabaan dowlad qabaan u ah oo aay iyada xukunto.

Double moral standards…. Dhageeyso(GUJI MESHAAN)

1 ) Sh.Shariif maxuu ka dhahay markii uu noqday maxaweeyne iyo safarkiisii koowad ??

2) Somaliland side ku gaari kartaa xor yaase ka danbeeya in aay ka g´do Somali ?

3 ) Burcadbadeeda Puntland ka jirtaa side u arkaa yaase ka danbeeya ??

Dhageeyso akhristow.

Aflagaadada gabdhaha Somali miyuu ku hadlaa nin aqoon leh ?? aad ayaan ugu xumahay aflagaadada gabdhaha reer Somaliland uu kula kacay.

4) Dadka Somali ee laga soo tarxiilayo Puntland side u arkaa xalkana maxuu yahay ??

Cabdiweli waxaa uu taageersanaa C/aahi Yusuf iyo Ethiopia, Somali waa in aay baartaa arimahaas, Mahiga miyaa Walad Cabdalla ka fiican,waxaan ku soo gaba gabeeynayaa Somali cid dan u haysaa ma jirto balse cidwalbaa waxaa aay jeceshay in dhiiga reer koonfur uu sii socdo weligiisna uu joogsan,inta danaha Somaliland iyo Puntland laga shaqeeynayo ilma aha in aay soo dhawdahay Qaranimo Somali,waxaan leeyahay gabagabdii in R7Wasaarah cusubi aqoontiisa aay u wehliso dano qabiil oo gaar ah ( Puntland ).

Muqdishow nin walba ha loo soo xulo waa cajiib,qoraalada waa kuwo faro badan welina fari kama qodna.


QEYBTII KOOWAAD

Dr. Ali.A.Hirabe - Sh. Shariif xiligii uu magaacbayay r/wasaaraha cusub Prof. Cabdiweli waxaa uu ku celceliyay in r/wasaaraha uu ku soo xulay aqoon, karti iwm balse Sh.Shariif inuu aqoon u laheeyn Cabdiweli ninka halkan ayaa kaga filan ee dhageeyso.

Radio Rajodoon oo wareeysi la yeeshay r/wasaaraha cusub Cabdiweli xiligii wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay (2009) arrimaha Somalia Ahmed Walad Abdala uu ku dhexjiray qabanqaabadii shir weeynihii Jabuuti ee dowlada federaalka ee uu madaxweeyneha ka ahaa C/aahi Yusuf iyo mucaaradka ururkii dib u xoreeynta ee uu Sh.Shariif ka madaxda ka ahaa ayaa waxaa wareeysi lala yeeshay  r/wasaaraha cusub Cabdiweli Gaas halkaas oo uu ka mujiyay in uu ka xumaa C/aahi Yusuf iyo gumeeysiga Ethiopia in aay meesha ka baxaan.

Wareeysiga waxaa qaaday Shariif nin la dhaho,waxuuna ka wareeysanayay shirkii qurba jooga kanada iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay arrimaha Somalia Ahmed Walad Abdala oo xiligaa la kulmayay dowlada Kanada & Somali Diaspora.

AKHRISTOW DHAGEEYSO.

Waxaa uu ku tilmaamay Cabdiweli in wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay arrimaha Somalia Ahmed Walad Abdala uu yahay nin aanan wax ku soo kor dhinkarin arimaha Somali balse uu yahay nin ka mid ah dhibka Somali runtiina aay adagtahay in xalka Somali la helo maadaama Walad Cabdala uu raacay dhinaca ka mid siyaasadihii is hayay oo ula jeeday in uu Walad Cabdalla la safan yahay Sh.Shariif sidaas aawadeedna aay adag tahay in dhinaca ka soo Horjeeday aay ogolaadaan wax la wada.

Cabdiweli waxaa uu sheegay in aay quman yahay in Walad Cabdala laga bedelo xilka uu u hayo Un ka si loo helo qofkale oo arimahaa wax ka bedeli kara,Suáal quman in la weeydiiyo manta r/wasaare waxaa aay tahay manta miyeey quman tahay in Mahiga oo la og yahay uu in uu qeeyb weeyn ka yahay dhibka Somali la la shaqeeyo ?? mise waxaa la gaaray danaha uu Cabdiweli ku diiday Walada Cabdalla in manta la gaaray ??


Wariyaha oo aad moodo in uu aad ula dhacsan yahay qaabka uu u fasirayo Cabdiweli ayaa uu su´aalay suáal aheeyd ragii aay axsaabta wada ahaayeen oo aay kuwada caambaxeen in aay wax  burbursadaan Walad Cabdalla side u arkaayaan arinkaa guuldarada ah ?? waxaa uu ku jawaabay Cabdiweli: tii ilaah meel beey taal balse Walad Cabdalla waxuu watay mashruuc waana uu ku guuleeystay  waxuuna soo dhisay baarlamaan cusub oo ka kooban 550, waxuu dhahay qof  la leeyahay 275 xildhibaan keenso  hadana la tartamayo xagee lagu arkay waa wax la yaabah oo laga soo shaqeeyay.

Dalka waxaa madaxweeyne ka ah Walad Cabdalla xaqiiqdii asaga ayaa soo magacaaba.

R/wasaaraha waxaan weeydiiyay dalka manta ma waxaa madax ka ah dalka Somalia Mahiga mise Shariif ??

Waxaan filayaa in aad leedahay Shariif ayaa ah balse la ogaan doonee,waxaa uu ku tilmaamay Walad Cabdala kan uu yahay ninka lacagta sida oo uu sida uu  doono u isticmaala , oo dowladii wax ka soo dhisaya,madaxweeynhii ridaya kii uu doona saaranaya.

Mar wax laga weeydiiyay arimaga dimoqoraadiyada Somaliland iyo Puntland waxuu aad u ifiyay in Somaliland burbur ay ku jirto halka Puntland horumar iyo nidaam dimoqoraadi ah aay ka socdaan,loona baahan yahay in laga shaqeeyo hrumarkooda. good governor/ institutions bildning AKHRISTOW DHAGEEYSO.

Sh.Shariif ogow nin fiican nin fiican laguma bedelo,sharmaarke Farmaajo balse Farmaajo Cabdiweli Alow sahal umuuraha.

Cabdiweli waxaa uu taageersanaa C/aahi Yusuf  iyo Ethiopia, Somali waa in aay baartaa arimahaas, Mahiga miyaa Walad Cabdalla ka fiican,waxaan ku soo gaba gabeeynayaa Somali cid dan u haysaa ma jirto balse cidwalbaa waxaa aay jeceshay in dhiiga reer koonfur uu sii socdo weligiisna uu joogsan, inta danaha Somaliland iyo Puntland laga shaqeeynayo ilma aha in aay soo dhawdahay Qaranimo Somali, waxaan leeyahay gabagabdii in R/Wasaarah cusubi aqoontiisa aay u wehliso dano qabiil oo gaar ah ( Puntland ).

WAA QORAALKA IYO FIKIRKA -> Dr. Ali.A.Hirabe - .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top