Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 11 December 2012

Yaa Lunsaday Malaayiinta ka Maqan Qasnada Universal Tv? Sawirro & Cadeyn | Exclusive

Keydmedia Online Exclusive - Hay'ad Caalami ah oo baaris xooggan ku sameeyey dacwad ka dhan ah "Axmadey Abuukar" oo ka tirsan Shaqaalaha Universal TV ayaa muddo 6 Bilood kaddib soo gabagabeeysey baaristooda, banaankanah soo dhigtay Musuq-Maasuqa ka socda Tv-ga.

Teaser Image Yaa Lunsaday Malaayiinta ka Maqan Qasnada Universal Tv? Sawirro & Cadeyn | Exclusive

Hay'addan ayaa si weyn Dabagal ugu sameeyey Eeedeynta loo jeediyey Axmadey Abuukar oo ku saabsan Musuq-Maasuq, wax is-daba marin, tuuganimo iyo been-sheegid.

Hay'addan ayaa si Tifartiran u soo Bandhgitay baaris dheer kaddib arrimo Muhiim ah oo kulligood ah Fadeexo xooggan oo uu Axmadey Abuukar lugaha kula jiro:  

Qoddobada ugu muhiimsan ee baarista lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah:

1. Ka been-sheegidda iyo sheegashada Milkiyadda Universal TV: Marka Hore Telefishinka Universal TV, ma ahan Magaca rasmiga ah ee Telefishinkan lagu diiwaan geliyey. Milkiilayaasha dhabta ah oo Aas-Aasay Universal TV hadafkoodunah ahaa in ay samayaan Barnaamij TV oo u adeega Bulshada, kaasoo ay ku diiwan geliyeen Magaca "Univ TV". Univ TV waxaa la diiwaan geliyey 2004, wuxuuna Shaqo galay 2005.

Axmadey Abuukar wuxuu Sanadkii 2005 la xiriiray qaar ka mid ah raggii milkiilayaasha ahaa oo Mashruucaan Maalgaliyay, sidoo kale wuxuu la xiriiray kana codsaday Guddoomiyaha (Chairman) Univ TV in Barnaamijkaas laga Shaqaaleysiiyo asagoo sheegtay inuu yaqaano Xirfada Diishashaka TV-yada kadibnah waa la shaqaaleysiiyay.

Waxaan Qoraalkaan ku Cadeyneynaa in aysan jirin Wax Milkiyad ah oo uu ku leeyahay Mashruucaas ama ku timid Qaab heshiiseed.

Sidaas darteed, ma jirto haba yaraatee wax milkiyad ah oo uu Axmadey Abuukar ku leeyahay Universal Tv, waana dembi caddaan oo uu u bareeray oo uu doonayo in xaq dad kale uu ku boobo.

2. Lunsasho Hanti shaqsiyadeed iyo mid dowladeed: Muddadii uu shaqaalaha ka ahaa Universal TV, waxaa Axmadeey lagu aaminay in hawl fuliye ka noqdo Tv-ga. Wuxuu xilkaas u isticmaalay si aad uga duwan hannaankii TV-ga loo aasaasay iyo Qaabkii lagu heshiiyay. Wuxuu intii uu xilkaas hayey ku hantiyey lacago tiro badan oo qaab Wanaagsan aan ku socon. (Transparency) 

Wuxuu si dadban ula baxsaday Malaayiin Pound (£) oo canshuur ahaan loogu yeeshay TV-ga. Lacagaha soo gala TV-ga hab wanaagsan oo xisaab-celin laga samayn karo, ragga isla lehna ay kula xisaab tami karaan ma uusan Muujin, sidoo kale, lacagaha uu mushaaharka u bixin jirey ma lahayn haba-yaraatee wax nidaam ah oo la raaci karo oo Xisaab celin ma muuqan karto.  Wuxuu mushaharka ku bixin jirey qaab jeeb ku shubasho ah (Warqad Receipt iyo Saxiix La'aan). Nidaamkaas oo ah Nidaam Musuq ah oo aan Caalamka ka shaqeyn. Wuxuuna sidaa ku lunsaday  Lacagtii Canshuurta Dowlada iyo Xuquuqdii Shaqaalaha TV-ga.  

Sidaas darteed, dhammaan Lacagihii iyo habkii uu Maamulka Lacagta u isticmaalay waa kuwo Musuq iyo wax isdabamarin badan ay ka muuqato, waana dembi, taas oo looga fadhiyo Magdhow iyo soo celin Hantidii dowladda iyo tii Shaqsi ee uu lunsaday.

3. Xatooyo Baabuur Ferrari ah: Baarista waxaa ka soo baxay in Axmadey uu ka gatay Lacagta Universal TV gaari aad u qaali ah. Axmadeey wuxuu soo qaatay qolof gaari nooca Ferrari oo talyaani ah, dabadeetana wuxuu dul saaray gaari nooca MARK 2 oo Japan ah. Halkaas wuxuu ku lunsaday lacag aad u tiro badan oo uu u ekeysiiyey in uu iibiyey gaariga qaaliga ah ee Ferrari. Gaarigaan uu Ferrariga ku sheegay Lacagta ayuu ku xadayay ee waa gaari Qofolftanah ka gaduudan, Motoorkanag ka ah MARK 2 oo Japan ah. Taasnah waa labo Qiyaano oo mar qiyaanay Faraari marnah uu qiyaanay Shirkadaas Japaanka ah.


4. Ka been-sheegid Sharciga uu ku joogo Yurub: Waxaa soo baxay dhowr Magacyo uu "Axmadeey" isticmaalo: Ilaa iyo Afar Magac oo kala duwan ayuu meelaha qaarkood isku diiwaan geliyey, meelaha qaarkoodnah waxaa ku cad in uu haysto dhalasho Ingiriis. Arrimahaas isku wada murugsan waxay muujinayaan in tuhun weyn laga qaado ninkan, oo markaas ay suurtagal tahay in ay xaaladdiisa ay soo faragashadaan Hay'adaha Ammaanka Caalamka.

5. Ka been-sheegidda xaaladda qoyskiisa: Baarista waxaa lagu sheegay in Axmadey oo in muddo ah uu u noolaa si kelinimo ah, sida uu isagu sheegaty,  waxaase jirta meel aan ka fogeyn in ay deggan tahay Xaaskiisa oo weliba carruur u haysa. Sifahaas uu ku kucay Axmadey, waa kuwo sumcad xumo iyo Sharaf dhac u soo jiidaya guud ahaan Soomalida soo Qaxday, waana waxyaabaha horseedaya in Dowladaha shisheeye ay tallaabooyin adag ka qaataan Qaxootiga Soomaalida. 

6. Samaynta Universal Somali Tv Ltd: Axmadey si uu u dhaco xaqa milkiyadda Universal Tv (univ tv), wuxuu si gaar u sameeyey Telefishin uu ugu Magac daray "Universal Somali Tv Ltd", kaas oo uu ku Qoray nin Walaalkiis ah oo lagu Magacaabo Xamdun Awad. TV-gan ayaa la diiwaan geliyey 2009-kii, wax hawl ah oo uu qabtaynah ma jirto. Waxaa kaloo jirta, in Telefishinka Universal Somali Tv Ltd oo milikiyaddiisa iyo maamulkiisa iyo shaqaalihiisaba ay isku yihiin hal Qof oo ah Xamdun Awad, Axmadeyna aanu waxba ku lahayn.

Waa la yaab Shirkad ah Telefishin oo min bilow ilaa dhammaad hal Qof uun isku ah, asagoo ka dan leh in uu Xuquuqdii Univ tv si maldahan uu ugu meeriyo/wareejijo Telefeshinkan kale, isagoo ka ugaarsanaya Caloosha Universal tv (univ tv).

7. Heshiisyo macmal ah oo la doonayo in Dad iyo Shirkado lagu dhaco: Dhowaantan waxaa socda heshiisyo uu Axmadeey ku doonayo in uu kula galo shirkado iyo shaqsiyaad, isagoo u maraya in qaybo ka mid ah Univ TV uu ka iibiyo. Sidoo kale, waxaa soo baxday in dakhliga soo gala Universal Tv uu soo marsan jirey qaar ka mid ah shirkado gaar ah oo baaris ku socoto, isagoo taas kaga baxsanayey Canshuurta iyo in si cad loola xisaabtamo.

Sidaas darteed, baaristan oo soo baxday waqti ku habbon ayey talada wanaagsan waxay ku jirtaa in Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka doonaya in ay hadda Axmadeey wax ka iibsadaan in ay ka feejignaadaan arrintaas, oo Hantidooda aanu ku dhicin gacan aan mudnayn.

Qoraalka waxaad ka heleysaan Link la xariira TV-ga Univ TV markaad taabatit kuu gudbinaya Unversal TV. Fadlan Guji, oo misana UNIVtv, markaas waxuu ku geynayaa Universal tv.

Halkaan ka Daawo Sawiradda Faraariga Been abuurkaa - Guji Meshaan


Waxaa Qoraalkaan iyo Document-yadaan Keydmedia Online usoo gudbiyay Mid kamid ah Aas-Aasayaalka Unversal TV ahnah Gudoomiyaha Tv-ga - C/kaadir Maxamad Aadan - .(JavaScript must be enabled to view this email address)

KEYDMEDIA ONLINE EXCLUSIVE - http://www.keydmedia.net


Balance Sheet-ka Universal TV - Halkaan ka Aqriso

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top