Kooxda Shabaab iyo Dad Shacab Ah oo ku Dagaalamay Deegaanka Biroole
Kismaayo (KON)- Wararka naga soo gaara tuulada Biroole oo qiyaastii 60KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegay in dad deegaanka ah iyo Maleeshiyaad Shabaab ka tirsan ay halkaasi ku dagaalameen.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii Shabaabku ay damceen inay si xoog ah ku qaataan xoolo ay lahaayeen dadka deegaanka,w axaana halkaasi markii dambe ka dhashay dagaal saacado badan qaatay.
Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 5 qof oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, ayadoo ay wararku soo sheegayaan in ragii Shabaab ka tirsanaa laga qabsaday hub ay wateen, dadna laga qab qabtay.
Wararkii ugu dambeeyay waxaa ay soo sheegayaan in xaaladu ay hadda deggantahay, waxaana deegaanka lagu dagaalamay soo gaaray gurmad ay dadka deegaanka ah ka heleen Ciidamada huwnata agh.
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Share this page
More News
- Gobolka Banaadir oo ka hadlay Werarkii UNDP iyo Meydadkii Kooxda
- Kooxo kala taageera X.Dahir, Rooboow iyo Godane oo 16 iska Dilay
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.