Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 7 December 2012 17:00

BL-ka Muqdisho oo Qiimihii lagu raacayay Hoos loo dhigay - Warbixin

Muqdisho (KON) - Waxaa Hoos u dhac ku dhacay Qiimaha lagu Raaco Gaadiidka Dadweynaha ee Caasimada Muqdisho, kadib markii Amarkii Madaxweynaha oo ahaa in Isbaarooyinka laga Qaado Muqdisho lagu dhaqmay.

Teaser Image BL-ka Muqdisho oo Qiimihii lagu raacayay Hoos loo dhigay - Warbixin

Hoos u dhacaan laga dareemayo qiimaha lagu raaco gaadiidka oo loo yaqaano BL ayaa imaaday markii Magaalada laga qaaday jidgooyooyinkii sharci darada ahaa.

Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho oo maanta la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in markii la qaaday isbaarooyinka islamarkaana ay meesha ka bexeen lacagihii xad dhaafka ahaa ee laga qaadi jirey ayaguna ay hoos u dhigeen qiimaha ay dadweynuhu ku raacaan gaadiidka.

"Alxamdullilah Hadalkii Madaxweynaha aad iyo aad ayaan usoo dhaweenay waayo Isbaarooyinkaas waxaa nooga bixi jiray Lacago farabadan" Ayuu yiri Axmed Nuur oo Muqdisho ka shaqeysta.

Lacagta laga qaado Dadka ayaa h haatan 3000 ilaa 4000 oo Shilin Soomaali kahornah waxey ahaan jirtay gaadiidka BLka ah ee u kala goosha Zoobe iyo Xamarweyne 10,000 Sh. So.

Ciidamda Dowlada ayaa ku guuleesteen iney Isbaarooyinka Sharci daradda ah ka qaadaan Caasimada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top