Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 1 February 2013 17:44

Boob-ka lagu hayo Soomaalida Koofur Afrika

Nairobi (KON) - Wararka naga soo gaaraya Waddanka Koofur Afrika ayaa sheegaya in Shalay iyo Maanta Boob xoogan loo geestay 18 Dukaan oo Soomaali leedahay.

Teaser Image Boob-ka lagu hayo Soomaalida Koofur Afrika

Boobkaan ayaa Yimid Kadib Markii Buliisku ay billaabeen in ay U raadiyaan Dukaamada Soomaalida Sharci ay ku shaqeystaan taas oo aan horay Loo raadin Jirin balse iminka ay isku howlayaan Ciidamada Buliiska dalkaasi.

Qaar ka mid ah Ganacsatadaas oo war baahinta la soo xiriirtay ayaa sheegay in Rag Bur Cad ah oo ka qawleysta Degaanada Soomaalida ay halkaas ka gaystaan  dhibaatooyin isugu jira Dhac dil iyo waliba Gubid ay gubaan Goobaha ganacsi ee Soomaalidu ku leeyihiin  Dalka Koofur Afrika.

Dhawaan ayay ahayd markii Xukuumadda koofur Afrika ay is hor taagtay Soomaali dooneysey in dalkaas ay isaga baxaan ka gadaal markii ay sharci adag ay ku soo rogtay Soomaalida dooneysa in ay halkaa isaga baxaan iyadoona ku xidhay baasabooro aan ahayn baasaboorada ay haystaan.

Soomaalida oo haatan qadyaan ka taagan dhibaatooyinka ku haysta Dalkaas ayaa qaarkood waxa ay bilaabeen in ay halkaas si dhuumaalaysi ah uga baxaan iyagoona inta badan hantidii ay halkaa ku lahaayeen badi xaraashtay.

Keydmedia Online - Xafiska Nairobi

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top