Caruur Hooyadood la toogtay oo Muqdisho ku dhibaateesan
Muqdisho (KON) - Iyadoo dhowaan haweenay ka mid ahayd dadka barakayaasha ah eek u nool degmada kaxda ay toogteen kooxo hubaysan oo manaxayaal ah ayaa haatan waxaa xaalad aanan wanaagsanayn laga soo sheegayaa caruur ay ka geeriyootay haweenaydaasi.
Iyadoo dhowaan haweenay ka mid ahayd dadka barakayaasha ah eek u nool degmada kaxda ay toogteen kooxo hubaysan oo manaxayaal ah ayaa haatan waxaa xaalad aanan wanaagsanayn laga soo sheegayaa caruur ay ka geeriyootay haweenaydaasi.
Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah odoyaasha degmada kaxda ee gobalka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in haatan ay joogaan Sadax caruur ah oo ay ka geeriyootay haweenaydaasi la dilay.
Odoygaan ka mid ah dadka deegaanka ayaa wuxuu sheegay in caruurtaan xiligaan aysan heesan cid ka faalo qaadaa noloshooda, sidoo kalana aysan jirin wax qaraabo ah oo halkaasi u jooga maadaama ay daganaayeen xero barakac.
Maxamed Ismaaciil ayaa wuxuu ku baaqay cid waliba oo wax u qaban karta caruurtaan ama gar gaari karta in ay la soo gaaraan wixii ay u awoodaan maadaama haatan ay idlo joogaan.
Dhowaan ayay ahayd markii kooxo hubaysan oo ku labisan dareeska ciidamada dowlada Soomaaliya ay toogteen hooyo Umul ah oo ay gurigeeda ugu galeen markii ay diiday in ay dhiibto teleefoonka gacanta oo ay doonayeen in ay ka qaataan.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Video: Siyaasiin Soomaali ah oo ku cadaadiyay Dawlada Norway inay… // Daawo
- IGAD: Wixii Kismaayo ka dhacay waa Sharci daro | Dowladda ha looga danbeeyo -Warbixin
- Waa kuma Ninka Askariga Ingiriiskaa London ku Dilay? Warbixin
- R/wasaare Saacid oo ka hadlay Dhaqaalo soogaaray dowlada
- Obama oo ka hadlay Dagaalka lagula jiro Al-Qaacida
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.