Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 14 January 2013 09:55

Ciidamada Huwanta Ah oo U Dhaqaaqay Jilib iyo Bu’aalle

Kismaayo (KON)- Sida ay warbaahinta Keydmedia Online u xaqiijiyeen saraakiisha Ciidamada Dowladda Sooamaaliya ee ku suggan magaalada Kismaayo waxaa saaka arroortii dhaqaaqay Ciidamada huwanta ah iyo kuwa Kenya ee AMISOM kuwaasoo u ruqaansaday dhanka degmooyinka Jilib iyo Bu'aalle ee gobbolka Jubbada Dhexe halkaasoo ay wali maamulaan kooxda Shabaab.

Teaser Image Ciidamada Huwanta Ah oo U Dhaqaaqay Jilib iyo Bu’aalle

Gen Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay KON ayaa sheegay in Ciidamada isgarabsanaya iyo kuwa Kenya ee AMISOM ay saaka arroortii weerar ay ku doonayaan inay kula wareegaan qaar kamid ah degmooyinka wali gacanta ugu jira Shabaab ay u dhaqaaqeen, inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego halka ay hadda joogaan Ciidamadooda.

Ciidamada huwnata ah ayaa ka dhaqaaqay halka lagu magacaabo Dalcada Luglow oo qiyaastii 20KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Kooxda Shabaab ayaa wali gacanta ku heysa degmooyinka, Bu'aalle, Jilib, Saakow, Salagle, Kamsuumo iyo deegaano badan oo Jubbooyinka ka tirsan.

Wixii ku soo kordha kala soco http://WWW.Keydmedia.net

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top