Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 22 March 2012 18:24

Dagaal Khasaaro geestay oo Ciidanka TFG-da ku dhexmaray Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Labo Qof ayaa Inta laxaqiijiyey ku geeriyootay Dagaal Maanta magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamo kawada tirsan TFG kadib markii ay ku murmeen lacago aan Sharci ahayn oo ay ka qaadaan Baabuurta isticmaasha Wado ku taalla Degmada Wadajir.

Teaser Image Dagaal Khasaaro geestay oo Ciidanka TFG-da ku dhexmaray Muqdisho

Dagaalkan oo socday Muddo Saacado ah ayaa waxa uu Xoogiisa ka dhacay Xaafadda Nasteex halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidamo Beeleed hoos taga Maamulka Degmada Wadajir ee TFG-da.

Goobjoogiyaal ayaa Keydmedia u sheegay in markii hore Dagaalka uu ka dhashay Habeenkii xalay lagu dilay Askari katirsan Ciidamada Dowladda,waxaana 2 Qof ee ku dhintay Iska Hor’imaadka la xaqiijiyay inay ahaayeen dad rayid ah.

Intii uu Socday Iska Hor imaadka waxaa Mudoo hakad galay Socdka Dadka,Ganacsiga,iyo Gadiidka Inkastoo Markii Dambe uu Caadi kusoo laabtay.

Maamulka Dagmada Wadajir oo aan laxariirnay ayaa ka Gaabsady In ay kahadlaan Dagaalkaasi u dhaxeeyey Ciidamadaani kawada tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top