Diyaarado Dagaalka oo Xalay Duqeeyay Fariisimaha Shabaab Ee Buulo-gaduud
Kismayo (KON)- Diyaaradaha dagalka ee Dowladda Kenya ayaa xalay duqeyn xooggan u geystay fariisimo ay Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Buulo-gaduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose.
Deegaanka la duqeeyay ee Buulo-gaduud waxaa maalmihii la soo dhaafay isku abaabulayay maleeshiyaadka Shabaab kuwaasoo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan difaacyada Ciidamada huwnata ah ee duleedka magaalada Kismaayo.
Macada ilaa hadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, balse goobjoogayaal ku sugan deeganka Buulo-gaduud ee la duqeeyay ayaa Keydmedia Online u sheegay in ilaa labo diyaaradaha nooca dagaalka ah ay gantaalo la dhaceen fariisimaha ay Shabaab ku leeyihiin Buulo-gaduud.
Sida na loo sheegay ma jiro wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Buulo-gaduud, mana jirto cid ilaa hadda ka hadashay duqeyntaasi xalay ka dhacday deegaankaasi.
Keydmedia Online, Xafiiska, Kismaayo
Share this page
More News
- Kooxda Axmed Madoobe “Kismaayo Dhiig ayaa ku daadan doona! // Warbixin
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.