Gudoomiyaha Degmada Huriwaa: Ciidamada TFG-da ayaa dhibaato ku haya Amniga
MUQDISHO (Keydmedia)- Maamulka Degmada Huriwaa ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay Xaaladda Amaan ee degmadaasi oo Muddooyinkan ay ka dhacayeen Falal Amni darro.
Gudoomiyha Degmada Huriwaa ee dowladda KMG Soomaaliyaa Cumar Jacfaan ayaa waxa uu sheegay in Degmada uu madaxda ka yahay ay Dhibaatooyin Dhac iyo Dilal joogto oo Habeen iyo Maalin ah ay ku hayaan Shacabka Degmadaasi.
Sidoo kale Gudoomiyaha waxa uu sheegay in Howlgallo Maalmihii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen Degmada ay kusoo qabteen Askar uu sheegay in Falal Amni darro ay ka gaysanayeen halkaasi, isagoo dhinaca kale dowladda KMG ah ugu baaqay in ay Gudaha Degmada ka saarto Ciidamada oo ay Saldhigyadeeda ku ekeedaan.
Shacabka ku dhaqan Degmada Huriwaa ayaa ka cabanayay Muddooyinkan ugu dambeeyay Dhibaatooyin Xooggan oo ay u gaysanayeen Ciidamada dowladda tan iyo markii ay dowladda halkaasi kala wareegtay Al Shabaab-Qaacidda.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
- Qarax Ciidamada Kenya lagula eegtay Kismaayo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.