Xog - Hogaankii Saracen International oo isaga baxay Maamulka Puntland
Gaalkacyo (Keydmedia) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaso ayaa sheegaya in Shirkada Saracen International oo ah Shirkad ku caan baxday Calooshiis u shaqeyste ay shaqaalaheeda Ajnabiga ahaa ka soo qaadatay Saldhig ay ku lahayd agagaarka degmooyinka Iskushuban iyo Baargaal sababo lagu micneeyey Amaanka dartiis.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dhamaan shaqaalaha Ajnabiga ahaa ee Shirkadda iyo Qalabkii ka yaalay saldhigyadaasi ayaa loo soo daadgureeyey xaruntooda dhexe oo Saracen ku leedahay degaanka Qaw ee duleedka magaalada Boosaaso iyadoo sidoo kale la adkeeyey amaanka xaruntaasi.
Labada saldhig ee Saracen International ka soo guurtay ayaa ahaa xarumo loogu talagalay in lagala socdo dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka degaanka iyo kuwa burcad badeeda siday sheegteen Saraakiil ka tirsan hawlgalka Saracen, Xarumahaasi ayaa ka joogay tiro badan oo Ilaaliyayaal ajbani ah oo xubeysan iyo agab dagaal ay geysatay shirkadda.
Arintan ayaa ka dambeysay ka dib dilkii Jimcihii loo geystay calooshiis u shaqeyste ka soo jeeda Dalka Konfurta Afrika, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya iney isku maandhaafeenfagasho iyo baarasho lagu hayay macden degaanka laga helay, Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Calooshiis u shaqeyste kale oo la taliye u ahaa Sarkaalka geeriyooday oo ku dhaawacmay rasaastii lagu dilay saaxiibkiis loo duuliyey dalka Jabuuti si loogu soo daweeyo.
Xogtaan ayaa tilmaamtay in sidoo kale shalay magaalada Boosaaso laga duuliyey ilaa Sadexdii Sarkaal ee ugu sareeyey hawlgalka Saracen kuwaasoo loo qaaday Dubai ka dib markii dilka uu dhacay.
Maamulka Faroole ee Puntland oo Shirkadda qandaraaska horey ula galay ayaa shaaciyey in baaris lagu hayo sababta ka dambeysa dilka, inkastoo warar soo baxaya oo warbaahinta ay heshay ay sheegayaan in mudo dheer ay jirtay cabasho dadka degaanka ka soo yeeraysay kuwaasoo ka digay dhagxaanta qaaliga oo ay Saracen si qarsoodi ah uga guraneysay buuraha Iskushuban agagaarkeeda ah.
Ilaa hada saraakiisha Saracen oo aan looga baran inay Saxaafadda la hadlaan ayaan wax war ah ka dhihin dilka loo geystay Meydka Ninka caddaanka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Koonfur Afrika oo lagu magacaabi jiray Lodweyk Pietersen 55-jir ah, kaasoo shalay loo duuliyey Jabuuti si loogu gudbiyo wadankiisa oo lagu aasi doono.
Keydmedia.net
Keydmedia.net // Wadanka
Share this page
More News
- Gobolka Banaadir oo ka hadlay Werarkii UNDP iyo Meydadkii Kooxda
- Kooxo kala taageera X.Dahir, Rooboow iyo Godane oo 16 iska Dilay
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.