Jaamacada Carabta oo balan qaaday dib u dhiska xumaraha Dowlada
Muqdisho (KON) Wasiirka howlaha guud,gaadiidka iyo Dekadaha iyo sidoo kale safiirka Jaamacada carabta ee Soomaaliya Maxamed Idiris ayaa maanta waxay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Kulanka masuuliyiintaan ayaa waxaa looga hadlay sidii Jaamacada carabta Soomaaliya ay u taageeri laheyd, isla markaana ay kaga qayb qaadan lahayd dadaalada loogu jiro sidii loo dhisi lahaa wadanka.
Wasiirka howlaha guud Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa wuxuu sheegay in ujeedka kulankooda uu ahaa sidii Jaamacada carabta ay uga taageeri laheyd xarumaha dowladda ee sanadihii dambe burburka xoogan ka muuqday dib udhiskooda.
Dr Maxamed Idiris Safiirka Jaamacada carabta ee Soomaaliya ayaa asna wuxuu sheegay in Jaamacada carabta ay dowladda Soomaaliya ka taageerayso dib udhiska xarumaha dowladda.
Balan qaadka Jaamacada Carabta ayaa wuxuu ku soo adayaa xili haatan bur bur xoogan uu ka muuqdo xarumaha dowlada Soomaaliya eek u yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.