Jeneraal Axmed X. Maalin: “X/Gubta ayaa laga soo tuuraa Madaafiicda”
Moqadisho (KON) - Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay hayaan kooxihii habeen hore Madaafiicda ku soo tuuray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, isla markaana uu helay raadadka meelihii Madaafiicda laga soo tuuray.
Howlgal ay Ciidamadu wadeen Illa 2 Maalmood ayaa Taliyaha Booliiska Gobolka banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xaafada Gubta oo ka tirsan Degmada Dayniile ay aheyd meeshii Madaafiicda laga soo tuuray.
Xaafada Gubta ayaa Madaafiicdii habeen hore laga soo tuuray, waxaana soo tuuray Kooxo aan banaanka imaan karin oo dhuumanaya kana tirsan Nabad diidka Gacanta ayaana ku soo dhigi doonaa”ayuu yiri Jen. Maalin.
Jen Maalin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay heleen qolofyadii Madaafiicda la tuuray habeen hore, waxuuna uu Carabka ku adkeeyay iney xoojindoonaan Amaanka Shacabka ku nool Magaalada Moqadisho.
Keydmedia.Net
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.