Jiirakuulow iyo fal burcadnimo
wararka Keydmedia.net ay ka heshay deegaanka Jiirakuulow ee gobalka Sh.hoose oo ku yaala inta u dhaxeysa Walaweyn iyo Buurhakaba ayaa waxa ay sheegayaan in xalay kooxa burcad ah halkaasi ay ku tacshiiradeeyeen isla markaana ay ku baarteen gaari ay dad Rakaaab ah saarnaayeen.
Waxaa la sheegay falkaasi in ay ku geeriyoodeen 2 Ruux oo rakaabki ka mid ah iyadoona ay ku dhaawacmeen 3 kale waxaana warbixanada ay tilmaamayaan in dadka dhaawacmay loola soo cararay Magaalada Muqdisho. Gaariga oo nooca Soomaalida ay u taqaan Caasiga ayaa ahaa mid ka soo ambabaxay Buurhakaba kuna Soo jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaana falkaasi uu dhacay xalay 9:00 Fiidnimo xiliga Geeska Afrika. Inta badan Dariiqaasi waxa ka dhaca falal ceynkan oo kale ah iyadoona tira ka dhowr jeer leysku dayay in arinkaasi wax laga qabto, laakiin dad badan ayaa su'aala iska weydiinaya sababta ilaa iyo hada Maamulada deegaanka ay ugu guuleysan la'yihiin wax ka qabadka arintan.
Keydmedia.net
Share this page
More News
- Dowlada Soomaaliya oo laga taageerayo din u dhiska dalka
- Duqa Hobyo oo ka badbaaday isku day Dil
- Madaxweynaha Galmudug Qaybdiid oo Muqdisho Shir ka qaybgalaya
- Arin naxdin leh oo ka dhacday Baydhabo
- Wasiirka Warfaafinta oo la hadal hayo in Xilka laga wareejiyo // Warbixin
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.