Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 27 April 2012 14:44

Keydmedia oo Xog ka heshay Dagaalkii Gedo ka dhacay

Kismaayo (Keydmedia) - Warar dheeraad ah oo kala duwan ayaa ka soo baxaaya dagaal khasaare kala duwan dhaliyay oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka tirsan gobbolka Gedo kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada TFG-da, Kenyanka iyo Maleeshiyaadka kooxda Shabaab Al-qaacida.

Teaser Image Keydmedia oo Xog ka heshay Dagaalkii Gedo ka dhacay

Dagaalada ka dhacay qeybo kamid ah Gedo ayaa waxaa la isku adeegsanaayey hub ay ka mid ahaayeen madaafiicda Kaaraha iyo PM-ka inkastoo ay jireen duqeymo ay diyaaradaha Kenya ka geysteen fariisimo ay dagaalyahanada Al shabaab ay ku leeyihiin nawaaxiga Ceel-waaq iyo Garbahaarey..

Warar lagu kalsoonyahay oo ay Keydmedia heshay ayaa sheegaya in 20 Qof oo dhinacyada dagaalay isugu jira ay ku dhinteen dagaalka ka dhacay gobbolka Gedo.

Diyaad Cabdi Kalii oo ka tirsa saraakiisha TFG-da ee Gedo ayaa Keydmedia u xaqiijiyay in 10 ruux oo kala tirsan TFFG-da iyo Kenyanka ay ku dhinteen dagaalada, halka kooxda Shabaabkana ay ka tileen ku dhawaad 10 kalen.

Khasaaraha dhaawaca ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u tiro badanyahay.

Qeybo ka tirsan gobbolka Gedo waxaa ku suggan Ciidamada TFG-da, Kooxda Ahlu sunna, Kenyanka oo isku dhan ah waxaana ay dhamaantood ay dagaal kula jiraan kooxda Al shabaab.

Keydmedia.net - Xafiiska,  Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top