Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 14 January 2013 22:43

Kooxda Al-Shabaab oo soo bandhigtay Meydka Askari Fransiis ah - Daawo Sawirro

Nairobi (KON) - Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa Galabtay Bogga ay Twitter ku leeyihiin kusoo bandhigeen Meydka Askari ka tirsan Ciidamdii Fransiiska oo Weerarka kusoo qaadeen Deegaanka Buulo-mareer, kaasoo ay tilmaameen in uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Teaser Image Kooxda Al-Shabaab oo soo bandhigtay Meydka Askari Fransiis ah - Daawo Sawirro

Meydka Askarigaan oo ka tirsan Ciidamda Komaandooska Fransiiska (French special forces) ayaa ah Askarigii Labaad oo laga dilay Ciidamada Fransiiska.

Sidoo kale Hubka iyo Qalabka ay wateen Askartaan ayaa hada ku jirta Gacanta Kooxda Shabaab.

Agabkan ayaa waxay cadaynayaan in dhaawaca iyo dhimashada askarta Faransiisku ay intaas ka badan yihiin, maadaama ay goobta ka muuqdaan koofido, qoryo, bistoolado iyo gaashaanka xabadda (Bulletproof) oo dhowr askari ay xirnaayeen, sida muuqatana ay ka carareen iyagoo dhaawac ah ama ay horay u qaateen meydadka intii ay qaadi kareen.

Waxaa kaloo goobta ka muuqda qalabka guryaha lagu jabiyo sida balaakiin iyo biinsooyinka waaweyn ee lagu gooyo silsiladaha, iyagoo ku tala jiray inay ku jaraan wixi bir ah ee ka horyimaada. Qoryaha iyo bistooladaha intooda badan ayaa waxa afka uga xiran qalabka codka aamusiya ee loo yaqaan (Silencer)

Howlgalkaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ciidamada Faransiiska ay isku dayeen in ay soo furtaan muwaadin u dhashay wadankaasi oo ay afduub ahaan u heesteen Al-Shabaab sanado badan.

Afhayeen u hadlay Maleeshiyaadka Shabaab ayaa Saakay Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay in Askari labaad uu u dhintay dhaawixii kasoo gaaray Weerarkii Ciidamda Fransiiska ay soo qaadeen.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi

 

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top