Kooxda Shabaab-Qaacida Oo Kuna Soo Ururay Afgooye
Moqadishu (Keydmedia) - Kooxda Shabaab- Qaacida ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen magaalooyinka Buurhakaba iyo Wanlaweyn iyagoo ku soo ururay degmada Afgooye oo 30 K.m. u jirta Muqdisho.
Keymedia ayeey qaar ka mid ah Dadka ku sugan Deegaannadaasi ku soo wargaliyeen in malleeshiyaadka Kooxda Shabaab-Qaacida ay banneeyeen degmooyinka Buurhakaba iyo Wanlaweyn ee gobollada Baay iyo Bakool kadib markii ay ka baqeen in ay halkaasi ku soo gaaraan ciidamada XDS oo ay wehliyaan kuwa Ethiopia oo shalay la wareegay Baydhabo.
Malleeshiyaadka shabaabka ee alqaacidda ayaa la xaqiijiyay in ay ku soo urureen Buundada degmada Afgooye waxeyna malleeshiyaadkaasi intii aysan ka soo bixin degmooyinkaasi dadka ugu hanjabeen in ay qudha ka jarayaan qofkii taageera ciidamada dowladda taas oo sida muuqata qeyb ka ah tacadiyadii ay ku heyn jireen dadka ku dhaqan meelaha ay dalka ka joogeen.
Shabaabka Alqaacidda oo muddo sanaddo ah ku cirbataagleeynayay ciiddeenna caburis iyo cadaadisna ku hayay shacabka ayaa u muuqda in ay haatan carradu ku yaraatay oo aysan heysan cid ay u ciirsadaan maadaama ay hore shacabka ula colloobeen.
Keydmedia
Share this page
More News
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
- HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN! // Suugaan - Daawo
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.