Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 8 December 2012 10:20

Maamulka Galmudug “Maamulka Puntland ha joojiyaan hadalada Colaada hurin kara”

Gaalkacyo (KON) - Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Aweys Cali Siciid oo Shir Jaraa'id ku Qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in ay masuuliyinta Maamulka Puntland joojiyaan hadalada Colaada hurin kara oo Saxaafada ay ka sheegayan.

Teaser Image Maamulka Galmudug “Maamulka Puntland ha joojiyaan hadalada Colaada hurin kara”

Aweys Cali Siciid ayaa Mar uu ka hadlayay edeyn ay Maamulka Puntland u jeediyen Galmudug oo ahayd in Dhinaca Galmudug looga Soo tuuray Madaafic ayuu ku Jawaabay ma'ahayn Madaafic balse waa Rasaas habow oo laga yaabo in ay gaartay xaafadaha Waqooyi Maadama Maanta Ciidamada Galmudug ay Duleedka Magaalada Galkacyo ka sameeyen Howlgalo ay ku Sifaynayeen Kooxo uu Burcad ku tilmaamay oo ay Ciidamada daraawishta iyo Boliiska Galmudug ku Baacsanayeen kooxahaas taasna ay tahay wax mar kasta ka dhaca laba dhinac ee Magaalada xiliyada ay Jiraan Howlgalada aysanan jirin wax Madaafic ah oo Puntland lagu riday.

Gudoomiya Kuxigeenka ayaa Intaa ku daray in Masuuliyinta Maamulka Puntland ay abuurayan Colaad Sidaa darteedna aan Xiligan Shacabka Gobolku u Baahnayn Fowdo waa in ay Raali galin buuxda Ka bixiyaan Masuuliyintii Maanta Saxaafada Ka hadashay waxyaabaha amaan darada ku keeni kara Maamulada Dariska ama Shacabka  waa Sida uu yiri Uways Cali Siciid.

Hadalka ka soo yeeray Gudoomiye kuxigeenka Gobolka M. Galmudug ayaa Imaanaya kadib kolkoo ay si wada jira shir jaraa,id u qabteen Godoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Max’ed Yusuf Tigey iyo Taliya kuxigeenka Ciidanka Buliiska Puntland Muxyadiin Axmed muuse oo ay kaga hadlen in ay Galmudug wado Gardaro cad isla Markaana ay madaafic ku garaacen Xaafado dad rayid ah Dagayihiin.

Hadalada ay saxaafasa isku Marinayaan Masuuliyinta Labada Maamul ayaan Ahayn kuwa Farxad galin kara Dhagaca Shacabka inkastoo Maamulka Galmudug uu Si cad u Sheegay Sababta Keentay in rasaas gaarto Xaafado ka tirsan Waqooyiga Galkacyo.

Shalay ayee aheyd markii Ciidamda Amaanka Galmudug ey Duleedka Gaalkacyo ku weerareen Kooxo Burcad ah, kana dileen ilaa iyo Sadex Qof - Halkaan ka Aqriso.

W/Q: Cali Maalin Nur / Hobyonet

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top