Madaxweynaha Soomaaliya “Majiro Qilaaf nagala dhexeeya dowlada Kenya”
Muqdisho (KON) - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya dowladiisa iyo waliba dowlada Kenya, wuxuuna sheegay in uu yahay mid wanaagsan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo xilgaan kala dhaxeeya dowlada Kenya dowlada Soomaaliya, asgoona xusay Kenya in ay ka mitahay dowladaha caawinaya Soomaaliya.
Wuxuu sheegay madaxweynaha asagoo ka hadlayay arinta maamul u samaynta Jubooyinka iyo kaalinta dowladadaha dariska in Kenya iy dowladaha kale ay ogyihiin in jubooyinka ay ka midyihiin Soomaaliya maamulkooda uu noqonayo mid ka imaada dowlada.
Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu intaasi ku sii daray hadalkiisa in dhowaan uu booqan doono magaalada Nairobo ee dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa waxay ka mitahay dowladaha Soomaaliya u soo diray ciidanka waxaana sidoo kale dowlada Kenya ay haatan doonaysaa in ay faragalin ku yeelato maamul u samaynta Jubooyinka.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya // Dowlada oo Shir heer Qaran ah furtay
- Hog. ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni oo Dhaawac loogu geestay Kismaayo
- Qarax Ciidamada Kenya lagula eegtay Kismaayo
- Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/hoose
- Ciidamada Iftiin Baasto oo Howlgallo ka wadaan xaafadaha ay Kismaayo ka maamulaan
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.