Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 9 December 2012 15:53

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xafiiska Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Midowga Yurub

Muqdisho (KON) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Villa Somalia wafdi ka socday Midowga Yurub (EU).

Teaser Image Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xafiiska Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Midowga Yurub

Wafdigaas waxaa hogaaminayay Ambassador Alex Rondos oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arimmaha Soomaaliya, waxaana ku wehliyay saraakil sar sare oo ka tirsan EU.

Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdigaas ugu warbixiyay safaradiisii ugu danbeeyay kuwaas uu ku sheegay gogol xaar looguna diyaar garoobayay xiriir dhaqaale iyo mid ku aadan xaga amniga iyo hormarinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in hada Soomaaliya ay ka go’an tahay in xiriir wanaagsan ay la yeelato beesha caalamka iyo qaasatan dalalka deriska la ah. Madaxweynaha ayaa ugu mahad celiyay EU, sida wanaagsan ay ula shaqeeyaan dowladda Somaaliya

EU ayaa soo dhaweeyay horumarka hada ka jira Soomaaliya iyo dadaalada ay dowladda ku dooneyso dib usoo celinta, iyo amniga.

 

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top