Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 9 December 2012 10:23

Magaalada Jowhar oo maanta xaalkeedu “Allow Sahal” yahay

Muqdisho (KON) - Xaalka magaalada Jowhar ayaa saaka kacsan iyadoona dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in halkaasi ay gaaraan askarta dowlada iyo kuwa AMISOM isla markaana ay dagaalo ka dhacaan gudaha magaalada.

Teaser Image Magaalada Jowhar oo maanta xaalkeedu “Allow Sahal” yahay

Goobjooge ku sugan magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in xaalada magaalada ay maanta kacsantahay dadka magaaladaasi ay yihiin kuwo dareen gaar ah uu maanta ku jiro.

Wuxuu sheegay in maanta la xiray dhamaaba  goobaha ganacsiga eek u yaala magaaladasi sidoo kalana la fasaxay dhamaanba goobaha waxbarashada maadaama magaalada ay ku jirto jawi colaadeed.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa waxay kaabiga ku haayaan magaalada waxayna u jiraan in ka yar 10-KM, taas ayaaba keentay in dadweynuhu ay dareemaan xaalad cabsi ah.

Jowhar ayaa wali waxaa ka arimiya maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Alqaacida, waxaana dowlada Soomaaliya ay doonaysaa in ay halkaasi ka saarto Al-Shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top