Maleeshiyaadka Qaacida-Shabab oo Weeraray Kenyanka Ku Suggan Buurgaabo
Kismaayo (Keydmedia) - Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaaraaya Jaziirada Buurgaabo ee Koonfur galbeed gobbolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe Rasaasta ka dhacda qoryaha daran dooriga u dhaca laga maqlay fariisin ay Ciidamada Kenyaanka ah ku leeyihiin deegaanka Buurgaabo.
Weerarkaan ayaa waxaa ka soo baxaayo warar kala duwan sida uu u dhacay ayadoona warar soo baxaya ay sheegaya in Maleeshiyaad tobaneeyo gaaraaya ay weerar saf ballaaran ah ay ku soo qaadeen fariisinka Ciidanka Kenyanka.
Wararkii ugu dambeeyay ee arrintaan ayaa sheegay in Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday intooda badan la qab qabtay qaarna la dilay.Ma cada tirada dhimashada ee soo kala gaaray Kenyanka la weeray iyo Maleeshiyaadka fashilmay. Deegaanka Buurgaabo waxaa ku suggan Ciidamo isugu jira Kenyan iyo kuwa Ururka Raaskaambooni.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Share this page
More News
- Dowlada Soomaaliya oo laga taageerayo din u dhiska dalka
- Duqa Hobyo oo ka badbaaday isku day Dil
- Madaxweynaha Galmudug Qaybdiid oo Muqdisho Shir ka qaybgalaya
- Arin naxdin leh oo ka dhacday Baydhabo
- Wasiirka Warfaafinta oo la hadal hayo in Xilka laga wareejiyo // Warbixin
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.