Maliishiyaadka Al-Shabaab ee Jowhar oo Hooyo kala baxay gurigeeda
Muqdisho (KON) - Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay gurigeeda kala baxeen Hooyo ka mid ahayd dadka dagan magaaladaasi.
Hooyadaan oo lagu magacaabo Xaliimo Cadey ayaa waxaa la sheegay in ay gurigeeda ugu galeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab isla markaana ay guriga ka wateen.
Dadka deegaanka ayaa hadal haayo in hooyadaan lagu heesto ama Al-Shabaab ay ku eedeeynayaan in ninkeeda uu ka midyahay saraakiisha dowlada ee haatan ku sugan deegaano ka tirsan gobalkaasi Shabeelaha Dhexe.
Al-Shabaab lama oga halka ay la aadeen hooyadaan ay ka dhex wateen iyadoo la joogta caruurteeda, ilaa iyo iminkana wax faah faahin ah kama aysan bixin sababta ay u ka xeesteen haweenaydaan.
Falkaan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay weerar xoogan ay shalay ku qaadeen magaalada Jowhar ee Xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe, waxaana haatana ay ku suganyihiin deegaanka Boorow.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- R/wasaare Saacid oo ka hadlay Dhaqaalo soogaaray dowlada
- Obama oo ka hadlay Dagaalka lagula jiro Al-Qaacida
- Madaxweyne Qaybdiid oo la dardaarmay dhalinyarada Galmudug
- Madaxweyne Xasan “Wada shaqaynta Xukuumada iyo Baarlamaanka ayaa guul lagu gaari karaa”
- Waa kuma Ninka Askariga Ingiriiskaa London ku Dilay? Warbixin
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.