Mid kamid ah Shaqaalaha Canshuurta ee TFG-da oo Xalay lagu Dilay Baydhabo
Baydhabo (Keydmedia) - Dilalka Qorsheysan ee xiliyada habeenkii ah loo geysanaayo Saraakiisha iyo Masuuliinta dowladda TFG-da ka tirsan ayaa caadi ka noqday magaalooyinka ay kamid yihiin Baydhabo, Baladweyne iyo Caasimada Muqdisho.
Xalay waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobbolka Bay lagu khaarijiyay mid kamid ahaa shaqaalaha dhanka cashuurta ee dowladda TFG-da.
Ninkaan ka tirsanaa shaqaalaha dowladda ayaa ahaa nin da'a ah waxaana toogtay ragg wajiyada soo duubtay oo Bastoolado ku hubeysnaa, ayadoonka ninkaan lagu toogtay meel u dhow xaafada uu magaalada Baydhabo ka daganyahay.
Raggi dilka geystay ayaa islamarkiiba goobta uu dilka ka dhacay ka baxsaday, ayadoona dilka kadib ay howlgallo ballaaran sameeyeen Ciidamada amaanka ee dowladda ee magaalada Baydhabo, mana jirto cid ilaa iyo hadda dilkaasi loo soo qabtay.
Si kastaba magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Baladweyne oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Itooya ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah ka dhaco dilalka qorsheysan ee lala bar tilmaamaysanaayo shaqsiyaadka dowladda TFG-da ka tirsan.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Share this page
More News
- Idiris X.Faarax Oo Laga Waraystay Fadeexadii Cunto Karinta Faroole Iyo Wiilkiisa
- Mooshinkii looga soo horjeeday Xukumada oo la joojiyay
- R/wasaare Saacid oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika
- Midowga Yurub oo bixinaya Malaayiin Dollar oo lagu dagaalo Burcad-badeeda
- Kulan looga soo horjeeday Faroole oo ka dhacay G/Bari
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.