Nabad Sugida oo soo bandhigtay rag ka soo goostay Al-Shabaab
Muqdisho (KON) Hay’ada Nabad Sugida gobalka Banaadir ayaa maanta soo bandhigtay labo nin ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasi oo hay’adu ay sheegtay in ay ka soo goosteen kooxdaan oo ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlada.
Taliska ciidamada Nabadsugida ee gobalka Banaadir ayaa maanta xarunta taliskaasi wuxuu kusoo bandhigay rag ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobalka Shabeelaha Hoose ay isu soo dhoobeen ragan Shabaabka ah.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay labadaan nine e isi soo dhiibay in mid ka mid ah uu ahaa amiir sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo hogaaminjiray ciidamada Shabaab ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Dhalinyarada lasoo bandhigay ayaa diiday inay la hadlaan warbaahinta hayeeshe waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayna isaga baxeen iminka.
Ma ahan markii ugu horaysay oo taliska hay’ada nabad sugida gobalka Banaadir ay soo bandhigto rag ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- R/wasaaraha oo ka hadlay mooshinkii lala laabtay
- 50-Sano guuradii aas-aaska ururka Midowga Afrika oo Muqdisho laga xusay
- Axmed Sandheere: “Axmed Madoobe Taangi Sawaaxili ayuu saaranyahay”
- Warbixin: Beeraha Deg. Afgooye // Daawo
- Ciidamada Kenya oo Howlgalo ka wada Gaarisa // Sarkaal lagu dilay Magaalada
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.